Badhasaabka Sanaag oo Jawaabka bixiyay Eedo loogu soo jeediyay dhallinyaro xukun dheer maxkammadda Gar-adag ku riday

Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa iska fogeeyay Eedo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ugu soo jeediyay Dhallinyaro lagu xukumay Degmada Gar-adag xadhig u dhexeeya 9 ilaa 15 sano, kuwaasoo lagu soo oogay dacwad ka dib markii sida uu sheegay Gudoomiyuhu ay weerareen saldhig boolis.

Ramaax oo wakhtigan ku sugan Hargeysa ayay saxaafaddu wax ka weydiisay eedo xisbiga Waddani ugu soo jeediyeen xadhigga dhallinyaradaas inuu ku lug lahaa. “Horta Eedahaasi waa qaar aanay waxba ka jirin, Dhalinyaradaasi Waddani-na may ahayn,wax kalena may ahayn ee waxay ahaayeen Dhalinyaro Ciyaala suuqiin ah oo weeraray Saldhig.” ayuu yidhi Mr Ramaax.

Ramaax
waxaannu intaa ku daray oo yidhi “Qofka dambiilaha ah Xisbiga sheeganayaa isagay u taalaa laakiin waxay ahaayeen Inamo fal dambiyeed gacanta la galay, arrintaasna waxay Maxakamaddu ka qaaday tallaabo adag, Ciidanka amaanka ayaa soo qabtay oo soo eedeeyay Maxakamadduna talaabo ayay ka qaaday mid aan anigu shaqo ku leeyahayna maaha”

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maamulka Sanaag ku eedeeyay inay ka shaqeeyeen xukunka dhallinyaraad, iyagoo garabsanaya maxkamadda, balse Badhasaabka Gobolka Sanaag, ayaa ka jawaabay eedaas, “Maxakamadda Gobolku way wareegtaa, tiisa rafcaanku way wareegtaa, waa Gobol aad u kala fog maaha in la iska fadhiyo oo sidan Hargeysa oo kale oo wuxuba ay isku dhinacyaalaan”
http://ramaasnews.com/index.php/News/Gudoomiye-Ramaax-Oo-Ka-Jawaabay-Eedo-Mucaaradku-U-Jeediyay-Oo-Ku-Salaysan-Dhalinyaro-Xabsi-Dheer-Lagu-Xukumay.html#sthash.qXVDrNwm.dpuf