Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Doortay Hoggaan Cusub

Hargeysa (Gudgude) Guddida cusub ee Doorashooyinka Somaliland ayaa doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka, kuwaas oo loo doortay Eng. Cabdiqaadir Iiman Warsame iyo Maxamuud Jaamac Wacays, halka Afhayeena loo doortay Siciid Cali Muuse.
 
 
 
 
Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ka biyo diiday Doorashada hogaanka, iyagoo ku dooday in hagaanka uu wada qaatay Xisbiga Kulmiye, arintan ayaa sababtay in muran hadheeyo Xafladda oo ay barbar socotay xil wareejinta ay Guddidii hore oo xilka ku wareejinaysay guddida cusub, hase ahaatee Aakhirkii Xisbiyadu waxay sheegeen inay Ogolaadeen doorashada balse ay cabasho ku saabsan doorashada hogaanka u gudbin doonaan Komishanka.
 
 
 
Guddida ayaa Shalay lagu dhaariyay Madaxweynaha hortiisa, waxaana la filayaa inay ilaa bari u baxaan Tababar ku saabsan hab maamulka Doorashooyinka oo dalka Kenya loogu qabanayo, iyagoo intaasi dibna hawlahooda diyaarinta doorashada sanadka dambe guda gali doona.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.