Guddoomiyaha UCID oo Fashiliyey Siro Qarsoonaa iyo Kulamo ay Yeesheen Siilaanyo Xilligii Mucaaridka

Faysal Cali-waraabe oo iftiimiyey cidda la doonayey in madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen looga dhigo dawlad ku-meel-gaadh ah oo mucaaridku ka wadahadleen waqtigii Rayaale

“Berigii hore ayaa la odhan jiray KULMIYE wuu waalan yahay, markaa haddii nasiibku siiyey inay waalli ku helaan kursiga, dadku maanta waalli dambe ma doonayo”

“Waan ku dhaqaaqayaa in la dhiso dawlad ku-meel-gaadh ah insha Allaah, waana sharci oo baarlamaanka loo kordhin maayo, madaxweynahana loo kordhin maayo, albaabka ayeyna ka baxayaan”

Hargeysa (Jam/Berberanews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa fashiliyey siro qarsoonaa iyo kulamo ay yeesheen Madaxweyne Siilaanyo xilligii mucaaridka ee uu ahaa guddoomiyaha KULMIYE.

Eng. Faysal oo hadal ka jeediyey xaflad lagu soo dhaweeyey taageerayaal ku biiray xisbiga UCID oo lagu qabtay Hargeysa shalay, waxa uu soo bandhigay waxyaabo sir ahaa oo la xidhiidha wadahadalol mucaaridku yeesheen sannadkii 2009, xilligaasoo muddo-kordhin loo sameeyey xukuumaddii Rayaale, isagoo caddeeyey in kulamadaas la iskula soo qaaday in KULMIYE iyo UCID sameeyaan dawlad ku-meel-gaadh ah oo ay madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen ka yihiin Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), arrintaasoo ahayd sir qarsoon oo aan hore loo shaacin.



“Waan xasuusanahay oo guri ayaa la isugu kaaya keenay aniga iyo Axmed Siilaanyo, waxaanan isku haysannay dawlad ku-meel-gaadh ah aynnu dhisno iyo ma dhisi karno. Waannu is-mari waynay, waxa na lagu yidhi (cidiid dhexdhexaadinaysay) isku soo noqda, kadibna toddobaad ka bacdi waxa isu nimi annaga iyo guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxana la isla soo qaaday in aannu dhisno dawlad ku-meel-gaadh ah oo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdiraxmaan Cirro ka yihiin madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen, anigaana arrintaas diiday oo waannu kala tagnay, haddana Cabdiraxmaan Cirro ayaa ii yimmi bishii 9 September 2009, wuxuuna igu yidhi; ‘dawlad ku-meel-gaadh ah aynnu dhisno, isagana waannu isku afgaran waynay arrintaas, inkastoo aannu isagu iga horiman, haddana waxaan ku idhi cid inoo dirtay in aynnu dawlad dhisno ma jirto, sidaas ayaanan xilligaas ku diiday in dawlad ku-meel-gaadh ah la dhiso,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.silanyo-iyo-faysal

Waxa kaloo uu bayaamiyey in khilaafkii taagnaa sannadkii 2009 ee ku saabsanaa doorashooyinku ilaa hadda taagan yahay, isagoo xusay inuu imminka fulin doono, isla markaana aannu ka horiman doonin in la sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah haddii doorashadu ku qabsoomi waydo xilligeeda, “Waxaan akhriyey xasuuq-qorkaygii sannadkii 2009, markaa raadkii xilligaas taagnaa ayeynun maanta dib u raacnay oo bishii April ee sannadkaas ayeynnu isku haysannay doorasho way dhacaysaa iyo dhici mayso, kadibna Guurtida ayaa xukuumaddii Rayaale u kordhiyey muddo lix bilood ah oo waxay yidhaahdeen waxa doorashadu dhacaysaa bishii Octobar ee sannadkii 2009, murankaasina wuxuu keenay inay is-qabsadaan Golaha Wakiillada iyo Daahir Rayaale, dad ayaana ku dhintay, maantana waxa is-qabsaday Golaha Wakiillada iyo Siilaanyo, qof ayaana ku dhintay.

Markaa aniga iyo Axmed Siilaanyo oo guddoomiyaha KULMIYE ahaa waxaannu galnay heshiis ahaa haddii Madaxweyne Rayaale iyo UDUB ku soo noqon waayaan sharciga maalin loo kordhin maayee waxaynnu dhisi doonnaa dawlad ku-meel-gaadh ah, waxana Siilaanyo noo yaal xeerkii aannu berigaas ku heshiinnay oo markii Rayaale oggolaaday diiwaangelintii aan anigu idhi innaga daaya dawladda ku-meel-gaadhka ah laba dawladood dhisi maynee.

Haddaba, waxaan ugu bushaaraynayaa qolodan imminka (xukuumadda Siilaanyo) haddii doorashadu dib u dhacdo doorkan diidi maayo ee waan ku dhaqaaqayaa in la dhiso dawlad ku-meel-gaadh ah insha Allaah, cid loo kordhinayaana ma jirto maalinta ay waqtigeeda gaadho, waana sharci oo baarlamaanka loo kordhin maayo, madaxweynahana loo kordhin maayo. Albaabka ayeyna ka baxayaan, markaa haddii aan la isu iman, lagana tashan sida dawladdu u ekaanayso khalkhal ayuu dalkeennu gelayaa, waxaanan leeyahay ha la isu yimaad, Komishanka Doorashooyinka ha loo yeedho, hana la siiyo awooddoodii, hana la sameeyo jadwalkii doorashadu ku dhacaysay, marka ay soo dhammeeyaanna ha inoo yimaaddeen oo dawladdii hagi lahayd doorashadaas sidii aynnu uga tashan lahayn ha la isugu yimaad, wax la isku ogyahayna hala sameeyo.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu uga digay Golaha Guurtida in ay sameeyaan muddo-kordhin aan la isla ogayn, waxaannu yidhi; “Guurtida waxaan leeyahay marka ay timaad arrinta doorashada waxa xilkeedu saaran yahay saddexda xisbi qaran iyo Komishanka, idinmana saarna idinka. Waxa aannu ku heshiinno ayaannu idiinla iman doonnaa, mana jirto maanta shibirayahow heesa oo raggii shaambadda la haliili jirayoow wixii hore ma jiraan maanta.”

“Xisbiyada qaranka waxaan leeyahay waalli laguma helo kursiga. Berigii hore ayaa la odhan jiray KULMIYE wuu waalan yahay, markaa haddii nasiibku siiyey inay waalli ku helaan kursiga, dadku maanta waalli dambe ma doonayo ee cagaha si miyir qabta u dhiga dhulka, doorashadana waa la qabanayaa oo wanaag iyo nabadgelyo ayaa lagu gelayaa, laakiin cay, aflagaado iyo gab-gab miidhan looma baahna. Waa la ogyahay inta jar ee UCID ka saaray Somaliland, imminkana nagu naca ama nagu jeclaada oo ninkii xumaynaya Somaliland yeeli maynno, waana la ogaa in aan is-hortaagay tolkay, markaa inan yar oo kursi doonaya ka yeeli maayo inuu Somaliland iyo dadka masaakiinta ah ku ciyaaro, kursigana laguma helo gab-gab ee waxa lagu helaa barnaamij siyaasadeed, waxana lagu helaa shaqsiga qofku waxa uu yahay, maantana waa la is-miisaamayaa, waxaana la miisaamayaa waa ayo xildhibaanka uu wato, murrashaxu waa ayo? Xisbigu waa ayo? Taariikhda ayaa la geli doonaa oo la is-baadhi doonaa, wayna dhammaatay qaad iyo lacag ayaan ku siinayaaye kaalay ii coddee.

Annaga waa la arkaa labada nin (murrashaxiinta madaxtooyada UCID) ee aannu keennay oo rikoodhkooda waxay weydiin doonaan Qarammada Midoobay, idinkana (KULMIYE iyo WADDANI) kuwiinna annagaa haynna rikoodhkooda, waxaanan leeyahay nin aannu is ognahayoow ha is waalin, aniguna ma ahi murrashax oo waan sheegi doonaa ragga murrashaxiinta oo mid walba taariikhdiisa ayaan hayaa, waxaanan odhan doonaa kaasi waa hebel ee ka leexda, wax cod ahna ha siinina,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.