Muhaajiriin Itoobiyaan ah oo ku le’day Badda Yemen

BBC-Saraakiisha dalka Yemen, ayaa sheegay in 70 qof ay dhinteen kadib markii doon sidday muhaajiriin ay ku degtay xeebaha galbeed ee dalka Yemen.

Inta badan dadka saarnaa doonidaasi waxa ay u dhasheen dalka Itoobiya.

Tobonaan kun, oo qof ayaa isku daya sanad kasta in ay ka tallaabaan Badda Cas si ay u gaaraan dalka Yemen.141208142105_yamen_boats_304x171_afp_nocredit

Dadkan tahriibiya, waxa ay doonayaan in Yemen ay uga sii tallaabaan Sucuudiga ama Yurub.

Waxa ay raadsanayaan shaqooyin iyo noolal dhaanto midda ay ku noolyihiin.

Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga, UNHCR ayaa sheegtay in 200 oo qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha dalka Yemen sanadkan 2014-ka.