Siciid Sulub Oo Ka Hadlay Xaaladda Ka Taagan Gobolka Awdal Iyo Wadda-hadalada Somaliland Iyo Somalia

Hargeysa (Berbera news) Wasiirkii hore ee hawlaha guud ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Siciid Sulub Maxamed, isla-markaan ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay Maamulka hawadda ee ay Dawladda Somaliya sheegatay inay la wareegtay, wadda-hadaladda Somaliland iyo Somaliya iyo Xalaadda hadda ka taagan Gobolka Awdal.
 
 
 
 
Siciid Sulub boo maanta Waraysi siiyay Telefishanka KALSAN TV waxa kale oo uu Xukuumadda ugu baaqay in aanay cudud Ciiddan u adeegsan xaaladda ka taagan Gobolka Awdal ee Suldaanka samaysaystay Ciidan Beeleedka.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Hadda ka hor bay cadaysatay Dawladda Koonfureed inay ka baxday Qodabaddii hawadda ee lagu heshiiyay oo ay la wareegtay Hawaddii, wax cusubna umar arko ooh ore ayuu Wasiirka Duulista Somaliya u sheegay inay xukumayaan hawadda Somaliland. Heshiikii lagu soo galay Turkiguna uu bur-buray, markaa waxaan u arkaa in uu yahay Heshiis laga baxay”
 
 
 
Waxa uu intaas ku daray “Wadda-haladda Somaliland iyo Somaliya Xukuumaddana ayaa bilawdday , is indho la’aan ahna wey ku bilawdday , si Meeqaamkii Gooni isku taaga Somaliland ahaa ayay ku bilawdday. Shirkii London lagu qabtay waxa ka soo baxay 6 Qodob, 6-aad Qudub wax muhiim ah oo Shirarkaasi ka soo baxay ma jirto, waxaanu Wadda-hadalku lumay markii Dalka Turkiga la geeyay , Turkiga oo cadeeyay in Wadda-hadaladaasi aanu dhex ka ahayn oo uu yahay dhinac oo midnimaddii Somaliya uu raadinayo “
 
 
 
Siciid Sulub ka hadlay arrinta ka taagan Gobolka Awdal, waxa uu yidhi “Dawladdihii Xukuumaddan ka horeeyay waxbay kordhinayaan oo Dal iyo Dadbay soo kordhinayaan, waxaana hadda muuqata in Dal iyo Dadba uu sii lumayo , markaa waa Dhaliil Xukuumaddan saaran. Arrintan hadda soo korodhay ee Awddal-na runtii aad baan uga xumahay waxay ahayd in haddii Khilaaf yimaaddo in Reer Awdal ay Miiska wadda-xaajoodka yimaaddaan oo arrimahooda wixii ay Dan moodayaan kala hadlaan Xukuumadda, laakiin in lagu dhawaaqo Gooni isku taag labaad khalad-baan u arkaa. Madaxdhaqameedka reer Awddal Xukuumadda Cabsho ayay u gudbiyeen, Cabashaddii ilaa maanta Xukuumaddu xal umay samayn, arrintaasna wadda-hadal ha lagu dayo oo Guurtidda iyo cid walba ha loo adeegsado yaan Awoodd Milatari la isticmaalin labada dhincba” ayuu yidhi Siciid Sulub.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.