SONYO Oo Ku Fashilantay Inay Raali-gelin Ka Bixiyaan Weedho Uu Wasiir Samaale Ku Duray Boobe

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta weedho kulul oo xambaarsanaa Dhaliilo kala duwan ku duray Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, kaas oo Boobe ku tilmaamay inuu Bulshadda Sawir khaldan ka siiyo Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo oo Mucaaridka iyo Siyaasiyiinta Madasha Wadda-tashigu ay saluuga ka qabaan.
 
 
 
Hadalkan uu Wasiir Samaale ku duray Boobe Yuusuf Ducaale ayaa yimid Munaasibad maanta uu Madaxweyne Siilaanyo xadhiga kaga jaray Dhisme cusub oo Dalladda SONYO loo dhisay, waxaana weedhihii uu Cabdicasiis Samaale ku weeraray Boobe ay abuurtay guux ka dhashay Munaasibadaasi oo Marti-sharaftii lagu soo maamuusay Munaasibadan ay badankooddu ka biyo-diideen Qaabka uu Wasiir Samaale u duray Siyaasiga Boobe Yuusuf Ducaale.
 
 
 
Dallad SONYO oo Marti loo ahaa ayaa Masuuliyiinteeddu aanay wax raali-gelin ah bixin Weedhan uu Wasiir Samaale ku weeraray Boobe Yuusuf Ducaale, iyadda oo Munaasibado sidan oo kale ah Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin lagu ganay Gantaalo Siyaasadeed ay Xubnihii ka Masuulka ahaa Madalahaasi ay raali-gelin ka bixiyeen, iyadda oo laga xusi-karo Xuski Madaxbanaanidda Saxaafadda ee horaantii Sanadkan lagu qabtay Magaaladda Hargeysa uu mid ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland uu ku weeraray Gasoorka Dalka, taas oo Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA raali-gelin ka bixiyay.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.