“Umadda Aan U Shaqayno Waa In Aanay Dhagaysan, Dadka Buuqa Iyo Qayladda Wadda” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo oo maanta fury Xarun cusub oo loo dhisa Dalladda SONYO ayaa Dhalinyaradda ugu baaqay in aanay dhagaysan Shakhsiyaad aanu magacyadoodd xusin, kuwaas oo sheegay inay qalalaase Siyaasadeed ay waddaan.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan leeyahay ILAAHAY Garabkiina ha galo, Horumar weyn aan samayno, dalka iyo dadkaba aan u dedaalno, halkaas aan hore uga talaabsano,dadka iyo umadda aan u shaqayno, Dadka buuqa iyo qaylada wada yaynaan dhegaysan,dadka waddaninimada xun yaynaan dhegaysan, dadka umadda iska horkeenaya yaynaan dhegaysan, idinkaa dhalinyaradii ah, idinkaa Mustaqbalkii dalka ah waa inaad mar walba horkacdaan oo hormuud ka noqotaan wixii horumarinaya mustaqbalkiina iyo Aayihiina iyo ka dalka intaba” ayuu yidhi Madaxweyne Siillaanyo.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.