Xukuumadda Oo Itoobiya Ka Dalbatay Inay U Soo Gacan-geliso Maleesiyadda Suldaan Abu-bakar Wabar Samaystay

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegayaa inay doraad u yeedhay Safiirka Dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland, kaas oo ay fartay in uu Dawladda Federalka Itoobiya ku war-geliyo inay talaabo adag oo ciidan ka qaado Maleeshiyo deegaanka Qorulugud uu ka samaystay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar, kaasoo xogaha laga hayaa sheegayaana in uu ku sugan yahay deegaanka xuduudka Itoobiya.
 
 
 
Fariinta Somaliland ayaa la sheegayaa inay gaadhay Dawladda Itoobiya, waxaanay warar hordhac ah oo laga helay sheegayaan in ay usoo dirtay deegaanka uu suldaanku joogo ciidan xoogan, kuwaas oo la filayo inay gacanta usoo galiyaan Somaliland Maleeshiyada Suldaanku samaystay.
 
 
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa ku daad guraynaysa Buuralayda ay ku jiraan Suldaanka iyo Maleeshiyadiisu ciidamo, kuwaas oo qaarkood doraad la geeyey deegaanka Qulu-jeed, halka kuwo Komaandoos ah na laga soo raray Barriga si ay hawl-galka u xoojiyaan.
 
 
Xukuumadda ayaa shalay u dirtay afar wasiir Gobolka Awdal kuwaas oo kala ah wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed X Cali (Cadami), Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Boosaha Maxamed Jaamac Abgaal, wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta.
 
 
Wasiiradda oo isla shalay gaadhay magaaladda Borama ayaa lagu soo waramayaa inay kulamo la yeesheen qaybaha bulshada si ay ugu booriyaan in la soo xero galiyo Maleeshiyada Suldaanka, hase yeeshee illaa hada lama hayo jawaabta ay ka bixiyeen dadka Gobolka, inkasta oo ay Salaadiin iyo Xildhibaano shalay ka hadlay Borama sheegeen in ay taageersan yihiin, iyagoo ku sababeeyey inay Xukuumadda kala quusteen inay wax ka qabato cabashooyin dhawr ah oo ay usoo gudbiyeen Madaxweynaha.
 
Berbera news/Hargeysa