Maxkamadda Xuquuqal Iinsaanka Ee Midowga Yurub Oo Faransiiska Ku Xukumay Inuu Magdhaw Siiyo Budhcad-badeed Somaali Ah

Hargeysa (Berbera news) Maxkamada Xuquuqul Insaanka ee Midowga Yurub (The European Court of Human Rights (ECHR) ayaa Khamiistii todobaadkii hore ku xukuntay dowlada France inay lacag magdhow ah siiso 9 nin oo Budhcad badeed Soomaali ah.
 
 
 
Maxkamada ayaa ku eedaysay Dowlada France inay ku tumatay Xuquuqdii 9-ka nin ee Soomaalida ah, maadaama aan maxkamada la horkeenin muddadii loogu talo galay, sida sharciga Midowga Yurub qorayo.
 
 
 
 
Budhcad-badeedan ayaa ahaa kuwii sanadkii 2008 Afduubtay Markab iyo Doon nooca raaxada ah ee laga leeyahay dalka France. Markabkii Le Ponant iyo doontii laga lahaa France ayey xoog kula wareegeen Ciidamada Komaandooska Faransiiska, kadib markii la bixiyay Lacag madax-furasho ah oo gaadhaysay 2 Milyan oo Dollar.
 
 
 
Kooxda Budhcad-badeeda ah oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada France ayaa maalmo badan lagu hayey Markab ay leeyihiin Ciidamada Faransiiska, arrintaasi oo ay Maxkamada ku sheegtay mid sharci daro ah, maadaama qofka eedaysanaha ah laga rabo in la horgeeyo Xaakimka ama Maxkamada muddo kooban gudaheed.
 
 
 
Maxkamada ayaa ku xukuntay Dowlada France inay siiso lacag ku dhaw $8.300 (sided kun iyo sadex boqol oo dollar) mid walba oo ka mid ah 9-ka Nin ee Soomaalida ah, sidoo kale-na ay Dowlada France bixiso Lacag gaadhaysa illaa $11.000 oo ah Kharashkii uga baxay Maxkamadda.
 
 
 
Xukunkan ayaa kadis iyo layaab ku noqday Dowlada France, waxaana todobaadkan si weyn uga hadlay Saaxafa Dalka Faransiiska.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.