Madaxa Midowga Yurub oo u digay Britain

Madaxweynaha cusub ee Guddiga Midowga Yurub, Jean-Claude Juncker, ayaa uga digay dowladda Britain inay marmarsiyo ka dhigato shaqaalaha ka soo jeeda Bariga Yurub.

Isagoo ka hadlayay dood laga soo daayay teleefishan laga leeyahay waddanka Austria, ayaa Mr Juncker waxa uu si kulul u cambaareeyay qorshe uu soo jeediyay David Cameron oo ah in la xakameeyo xuquuqda dadka Yurub ee ka shaqeeya Britain.

Mr Cameron ayaa sheegay in uu doonayo in muhaajiriinta ay sugaan afar sano ka hor inta aanay dalban faa’iidooyin gaar ah.141126150734_juncker_512x288_reuters

Mr Juncker ayaa sheegay in uu doonayay in uu kala hadlo Mr Cameron qorshiisa, balse uu ku adkeestay mabaadii’da ah in shaqaalaha ay xor u noqdaan isu socodka gudaha Midowga Yurub.

Waxa uu sheegay in uu si xooggan uga soo horjeeday in loola dhaqmo dadka u dhashay wadammada Poland, Rumania iyo Bulgaria sida inay yihiin dad asal ahaanba danbiilayaal ah.

Dadkaasi oo uu sheegay inay yihiin dad shaqeysanaya oo kasbanaya dhididkooda.

Mr Juncker ayaa sheegay in Britain, oo marwalba u dagaalami jirtay ballaarinta Midowga Yurub, ay tahay inay joojiso kala sooca ka dhanka ah wadammada.

Waxa uu ka digay in Britian laf ahaanteeda ay suuragal tahay inay soo gaarto dhibaato haddii isu socodka xorta ah ee shaqaalaha la haleeyo.

Mr Juncker ayaa sheegay in qorshaha Mr Cameron la siin doono dhageysi cadaalad ah.

Waxa uu sheegay in uu daneynayo in Britain ay sii ahaato xubin muhiim iyo wax ku ool u ah Midowga Yurub.