Madaxweyne Silaanyo Silaanyo oo Xalay dhex-mushaaxay Hargeysa

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa cawayskii caawa lagu arkay isagoo dhex mushaaxaya Suuqyada kala duwan ee Caasimadda Hargeysa oo dadweynaha dhex-socda, isla markaana waxa uu Madaxweynaha oo aan Ciidan hubaysani la soconnini socod ku maray goobo kala duwan oo magaalada ka tirsan sida Huteello iyo goobaha dhalinyaradu ku ciyaaraan.

SIILAANYO, ISLAANTIISA, WASIIR CADAMI IYO WIIL GABADHIISU DHASHAY SIILAAYO IYO SOCDAALKIISA HABEENNIMO

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa lagu qiyaasayaa ujeeddada socdaalkiisa kooban mid isugu jira mijo-baxsi iyo la socoshada habsami-u-socodka hawlaha dalka, iyo inuu wax kaga ogaadoama xog-waraysiyo kooban ula yeelan lahaa Bulshada Somaliland, sida Ganacsatada oo uu Meherahooda ugu tego iyo dadweynaha kale ee ku cawaynaya iyo kuwa danaha wax iibsi ugu sugan wakhtiga uu ku soo beegmayo Meheradaha kala duwan ee uu booqday.

Booqashadiisan waxa uu Madaxweynuhu Caawa ku gaadhay goobaha ay dadweynuhu isugu yimaaddaan oo ay ka tirsanaayeen Hotel Summer Time, Garoonka Kubbadda Cagta ee Turkiga ee Hargeysa oo dhalinyaro tiro badan oo ku Ciyaarayey si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha markii ay arkeen iyagoon marka hore ka dareen qabin in Madaxweynaha Somaliland goobta ay ku ciyaarayaan ku soo booqanayo.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo booqashadiisan caawa ku maray goobo kale oo ka tirsan Suuqyada kala duwan ee Caasimadda Hargeysa, waxaana Madaxweynaha goob kasta dadweynaha Shacabka ah ee joogaa ku farxeen booqashada Madaxweynahoodu ugu yimi, iyagoon sii filaynin in Madaxweynuhu soo booqanayo, isla markaana si diirran Salaan iyo erayo soo dhawayn ah ugu qaabbilayey Madaxweynohooda.

Maaha markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidan oo kale Suuqyada Caasimadda iyo goobaha Bulshadu ku kulmaan xilli habeen ah loogu arko isagoo booqanaya, hase-yeeshee marar kala duwan oo hore ayuu wakhti habeennimo ah sidan oo kale booqasho aan cidi sii ogeyn, ciidammo hubaysanina ku wehelin ugu maray goobo kala duwan oo Suuqyada Caasimadda ah oo ay dadku ku dhex-arkeen isagoo dhex mushaaxaya goobo Huteellada laga cunteeyo ah iyo Meheradaha Suuqyada ee laga tukaamaysto sida Super Market-yada iyo kuwa la midka ah.