Shakhsiyaadka sannadka ee Danta Guud iyo Daryeelka Bulshada oo abaal-marinno la guddoonsiiyay

Hargeysa(Berberanews):-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Abaal-marinno guddoonsiiyey dhawr iyo konton qof oo isugu jiray Wasiirro, Xildhibaanno, Suxufiyiin, Hal-abuurro, Qorayaal, Shirado Ganacsi, Masuuliyiin iyo Shaqsiyaad kale oo uu Ururka Horumarinta iyo Cilmi-baadhista Somaliland ee SODRA u soo xulay inay yihiin Xubno ku dedaalay Danta guud iyo Daryeelka Bulshada sannadkan dhammaadka ku dhaw ee 2014-ka, ka dib qiimayn iyo baadhis ay sheegeen Masuuliyiinta Ururkaasi inay sameeyeen.

10846074_906120792732389_2748940494155310602_n

Munaasibadda Abaal-marinta lagu guddoonsiinayey xubnahaas kala duwan oo lagu qabtay Sabtidii maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka sokow Madaxweyne Ku-xigeenka, waxaa ka soo qaybgalay Wasiirro tiro badan, Xidhibaanno, Masuuliyiin ka socday Shirkado Ganacsi, Qurbo-joog, Madax-dhaqameed, Dhalinyaro, Hal-abuurro, Suxufiyiin, Madaxda Ururka SODRA iyo Marti-sharaf kale.

gud1
Guddoomiyaha Ururka SODRA Axmed Maxamed Shaqalle oo furitaankii Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in sannadkii saddexaad Urur ahaan qabtaan Munaasibad lay ku abaal-marinayaan Shaqsiyaadka, Shirkadaha iyo Masuuliyiinta Bulshada wax muuqda ku soo kordhiyey oo la xidhiidha Danta guud iyo Daryeelka Bulshada, waxaanu sheegay inay dadka ay sannadkan abaal-marnta siinayaan oo dhawr iyo konton qof ah ku soo xusheen Dedaal iyo Karti ay muujiyeen oo aanay dano gaar ah, qof jeclaysi iyo ugu dhawaasho cid gaar ah aanay midna ka ahay. “Ururka oo la aasaasay afar sano ka hor, waxa uu leeyhay fikir cusub oo ay Bulshada Somaliland soo dhaweeyeen, Ururku waxa uu immika gacanta ku hayaa Mashruucaha ugu khayrka badan oo ah Mashruuca Rejo-abuurka dhalinyarada Somaliland ee awoodi waayey inay lacagta waxbarashada iska bixiyaan, kaasoo boqolkiiba afartan lagaga bixiyo Fiiga Jaamacadaha, isla markaana ay ka faa’iidaystaan Arday gaadhaysa 300 oo dhalinyaro ah oo isugu jira danyar, Agoonta Mujaahidiintii soo halgamay iyo kuwo aan awoodin bixinta kharashkaas.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SODRA Axmed Maxamed Shaqalle.

gud2
Agaasimaha guud ee SODRA oo isugna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inta badan 54-ka qof ee ay Abaal-marinta guddoonsiiyeen iyo qof waliba waxa uu ku mutaystay, waxa uu sheegay in Wasiirka Maaliyaddu ku mutaystay heerka uu gaadhsiiyey miisaaniyadda Qaranka muddada uu joogay Wasaaraddaas, Xubno dhiirrigeliyey Hiddaha, Dhaqanka, Suugaanta iyo Afka Soomaaliga, Xubno naafo ah oo wax muuqda sameeyey sida Iskuullo, Shirkadda Dahabshiil oo Maalgashigii ugu badnaa dalka ka hirgelisay iyo waxyaabo la mid ah.abaal-
Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Macdanta iyo Tamarta, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiiru-dawlaha Nabadaynta gobollada Bari iyo Beeraha oo dhammaantood ka mid ahaa Xubnaha Abaal-marinta la guddoonsiiyey, isla markaasna Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa Masuuliyiinta Ururka SORDA uga mahad-celiyey qiimaynta ay sameeyeen iyo sida ay isugu hawleen inay Madax iyo Shacab cid kasta oo dedaal muujisay sannadkan Abaal-marin siiyaan, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin hawsha Ururkaasi qabtay.
Xasan Waraaba Cadde oo ku hadlayey Afka Qurbo-joogta iyo Xasan Xiis oo ku hadlayey Afka Shirkadaha Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay sidoo kale u mahad-celiyeen Ururka SODRA oo ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in Ururkani soo gaadho heer uu Abaal-marinno bixiyo oo qiimayn sameeyo isagoo jiray keliya afar sannadood muddo ku siman.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaan marka hore hambalyo iyo bogaadin siinayaa Ururka SODRA ee isku xilqaamay Xafladdan iyo inay abaal-marin siiyaan dadkii wax qabtay ee reer Somaliland si loogu dhiirrigeliyo, marka labaadna waxaan hambaaynayaa cidda halkan abaal-marinta lagu siinayo. Waxaan leeyahay Saaxiibbadayda SODRA waxa la yidhaahdo Abaal-marintu waa inaanay idinka noqon nin jecaysi, saaxiib-garasho iyo wax la mid ah, waa arrin aad iyo aad u muhiim ah, waa in Xeerar iyo Shuruuc iyo Shuruudo aad ku kala doorataan ummadda ee aanay mar walba innaga noqon biyo-dhac, waayo? Xil baa inna wada saaran.”
“Weliba gaar ahaan inta ummaddani u igmatay inay xil u hayso hadday dadaalaan waa waajibkooda, haddii ay waajibkooda ka soo bixi waayaanna Illaahay baa kala xisaabtami. Markaa, dadka inta badan la abaal-marinayaa waa inay noqdaan Shaqsiyaadka Bulshada wax ku soo kordhiya ee aanay noqon Masuuliyiinta Qaranka, balse waxa la heli karaa sannadkii illaa shan qof oo dadka iyo dalka wax ku soo kordhiyey, Masuuliyiinta Qaranku hadday dedaalaan waa waajib saaran.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici.
Madaxweyne Ku-xigeenku gebo-gabadii waxa uu Abaal-marinnada loogu talo-galay guddoonsiiyey dadka dhawr iyo kontonka qof ah ee Ururka SODRA u soo xulay inay yihiin kuwa mutaystay abaal-marinta sannadka ee Danta guud iyo Daryeelka Bulshada, iyaga oo xubnaha aan goob-joogga ka ahayn Munaasibaddaas ee Abaal-marinta ku jirayna loogu dhiibay dad ay soo wakiisheen, waana sannadkii saddexaad ee Ururka SODRA bixiyo Abaal-marintan oo kale. Liiska Magacyada Xubnaha kala duwan ee Abaal-marinta la guddoonsiiyey oo Aftahannews helay waxa uu u dhignaa sidan:-
1. Wasiirka Maaliyada, Mudane: Cabdicasiis Maxamed Samaale
2. Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Mudane: Xuseen Cabdi Ducaale
3. Wasiirka Beeraha, Mudane: Faarax Cilmi Geedoole
4. Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan
5. Wasiirka Qorshaaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane: Sacad Cali Shire
6. Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi
7. Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta Sare, Marwo: Samsam Cabdi Aadan
8. Wasiirka Deegaanka, Marwo: Shugri Xaaji Ismaaciil Boondaro
9. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta, Mudane: Cabdillahi Maxamed Daahir (Cukuse)
10. Wasiiru Dawalaha Nabadaaynta Gobalada Bari, Mudane: Cali Maxamed Axmed (Sandule)
11. Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe)
12. Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac)
13. Gudoomiyaha Gobalka Gabilay, Mudane: Musatfe Cabdi Shiine
14. Gudoomiyaha Gobalka Sanaag, Mudane:maxamuud Saleeban Ramaax
15. Maayika Caasimada Hargaaysa, Mudane: Cabdiraxmaan Maxmed Caaydiid Solteco
16. Maayirka Oodweeyne, Mudane: Cabdikariim Nuur Muuse
17. Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar
18. Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbere, Mudane: Suhaayb Maxamed Cali
19. Maareeyha Haamaha Shidaalka Mudane: Sh. Saleebaan Siciid Cali
20. Maareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada, Marwo: Aamina Maxamed Diiriye
21. Isu Duwaha Wasaarada caafmaadka Gobalka Saaxil, Mudane: Dr.Cabdiraxiim Cabdillahi Ducaale
22. Xoghaya Madaxweeynaha, Cali Axmed Cali
23. Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar
24. Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal
25. Suldaan Siciid Yuusuf
26. Suldaan Yuusuf Xuseen Xiiray
27. Gudoomiyaha Jaamacada Golis, Mudane: Siciid ________________
28. Gudoomiyaha Jaamacada Camuud, Mudane Saleebaan Axmed Guuleed
29. Dahabshiil Group
30. Somcable
31. Hass petroleum
32. Meecaad Group
33. Delta Express
34. Lucky star
35. Dollar Store
36. Al-Raxma Alkhaariya
37. Qanacsade: Siciid Sh. Cumar
38. Gudomiyaha Olampikada qaranka, Xasan waraabe cade
39. Xaaji Liibaan Simaaciil
40. Xoghayaha Wasiirka Madaxtooyad, Sharmaake Axmed Muxumed (Dacar)
41. Agaasimaha SONYO, Siciid Maxamed Axmed
42. Maxamed Ibraahim Faarax
43. Faadumo Biixi
44. Yaasmiin Maxamed Kaahin
45. Hoodo Ayaan Suldaan Xasan
46. Cali Coomay
47. Siciid
48. Gudoomiyaha SAYNA Musatfe Teacher
49. Nimco Samriye
50. Xuseen Cabdillahi Deeqsi
51. Maxamed Ciise Aadan
52. Xayaad Naaleeye
53. Ayoub Ibraahim
54. Sawir-qaade Canbe.