“Dawladdu Iyadaa Ka Masuul Ah, Nabadgelyada Hadday Ciidan Ku Kicinayso Ama Adduun…” Guddoomiye ku Xigeenka Guurtidda.

Hargeysa (Berbera news) Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo maalmihii u dambeeyey ka doodayey arrimaha nabadgelyada, waxa wiiqi kara, sida loo adkayn karo iyo muhiimadda ay dalka iyo dadka u leedahay, ayaa qaarkood fadhigii shalay dooddooda ka dhiibtay, waxay ku doodeen inay dawladdu Masuul ka tahay nabadgelyada hadday ciidan ku kicinayso, hadday af ku kicinayso iyo hadday adduun ku kicinaysaba, isla markaana ay waajib tahay in dawladda loo daba-fadhiisto.
 
 
 
 
Fadhigan oo ah mid ay Mudanayaasha Guurtidu ku sii ambaqaadeen Dooddooda la xidhiidha nabadgelyada oo ka mid ah qodobbada ajandaha kal-fadhiga u socda Guurtida, waxaa guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Md. Siciid Jaamac Cali oo furitaankii fadhiga Xildhibaannada ku wergeliyey inay doodda nabadgelyada la xidhiidhaa halkeedii uga sii socoto Mudanayaasha.
 
 
 
 
 
Xildhibaan Shaan oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha guurtida oo ka mid ahaa Xildhibaanadii halkaas ka hadlay waxa uu yidhi,“Dawladdu iyadaa ka masuul ah nabadgelyada hadday ciidan ku kicinayso ama adduun, iyada ayaa loo igmaday marka ugu horaysa oo aynu ka sugaynaa. Haddii ay u baahato in Goloheenu ay galaan oo ay qabtaan arrimaha amaanka iyaga ayaa ina soo ogaysiin doona.
 
 
Haddii kale shir-guddoonka ayaa talaabo qaadaya, markaa waxaan leeyahay dawladda ha loo dayo awoodaheed
Xildhibaanku wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Shacabku wuu bislaaday, laakiin waxa inoo weheliya dhlinyaradeena aad ayaynu wax u barnay oo Jaamacadaha ayay ka soo baxayaan.Waxaan ku talinayaa waxyaabahaas nabadgelyo xumada keenaaya ee Halista inagu haya in laga hortago.”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.