“Xukuumadda KULMIYE Abaal Ma Laha Balana Ma Laha, Awdal iyo Salalow Somaliland Waa Nuxurka , Dhabarka Iyo Xanjaadka” Xildhibaan Aareeye

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda, isla-markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE ay soo gabo-gaboobayso Kalsooniddii ay ka haysteen Shacabka.
 
 
 
Xildhibaan Areeye oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda ka taagan Gobolka Awdal, waxaanu sheegay in tabashadda ay ka qabaan aanay waxyeelayn qaranimadda iyo jiritaanka Somaliland.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxyaabaha ka dhacaya bari iyo galbeed waa dil-dilaacii Xisbiga KULMIYE , waa dil-dilaacii Kacaankii la odhan-jiray Mingiste waa halkii Khaatumaddii uu marayay maanta ayuu KULMIYE marayaa . Waxaan leeyahay Dadka Awdal iyo Salal degoow mar kasta wax waa la taban-karaa, Xukuumaddii Rayaale oo aad ka soo jeedeen waad la xisaabtami-jirteen, Xukuumaddana waad la Xisbaabtamaysaan, Xisaabtu inay keento maaha Rasaas iyo RRU la geeyo iyo Ciiddan Quljeed lagu wareejiyo maaha , Cabashadda waa inay Xukuumaddu dhego u yaalato oo ay dhagaysato oo Dadka ay wax u qabato”
 
 
 
 
Xildhibaan Cali Areeye waxa uu Bulshadda ka soo jeeda deegaanadda Gobolka Salal iyo Awdal ug baaqay inay taageeraan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, waxaanu yidhi “Anagu ma rabno Awdal iyo Salaleey tabashaddiinu inay noqoto mid Somaliland ka soo hor-jeedda , Somaliland waa Nuxurka, waa Dhabarka iyo Xanjaadka labadeena Gobol. Waxaan Dadka dibada jooga ee reer Salal iyo reer Awdal-ba ku dardaarayaa waa Isbadal khayr-qabaa soo socdee Xisbiga WADDANI taageera” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Aareeye.
 
 
 
 
Xildhibaan Aareeye oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Nimankan Gobolada dhexe degaa Kola Koonfur bay inala tagayeen kolba meel bay inala tagayeen waan iska diidnay, inagu waxaynu ku adkaysanaynaa Somaliland, iyagu dhankay doonaan ha u socdaan.Imika waxaan Maqlayay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ayaa dhawaan ku shiri doona Jabuuti.
 
 
 
 
Markaas Awdal iyo Salalow waxaan idinku dardaarayaa waar dhexdiinana heshiiya oo dad wada jira noqda oo afka ku kala goosta, Dawladdana waa khasab tabashada iyo La xisaabtan laakiin kuma jirto Meesha anagu Gobol gaara ayaanu nahay oo Somaliland ma nihin meesha kuma jirto. Inagaa Somaliland leh oo waliba Reer Boorama ayaa leh, oo Boorama aasaasay halkaas baa lagu dhisay ee ha isku khaldina cabashada iyo Somaliland” ayuu yidhi Cali Aareeye.
 
 
 
 
 
 
Berbera news news/Hargeysa.