“Boorama Ciiddan Uma Baahna, Ee Caddaalad-bay U Baahan-tahay” Xildhibaan Axmed-Yaasiin

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in arrinta Suldaa Abubakar Cilmi Wabar ay xalin karaan Cuqaasha ka soo jeeda Goblka Awdla haddii loo madaxbanaaneeyo.
 
 
 
 
 
 
Xildhibaanka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in uu cambaaraynayo xadhiga Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Boorama ee dhawaan ay Ciidamadda amaanku Xabsiga u taxaabeen.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan leeyahay Haddii Suldaan qaldamay Tolkii baa u quman oo u diyaar ah inay soo qabtaan oo tubta toosan tusaan, haddii dhalinyaro gadoodayna Oday dejiya ayay leeyihiin, waxaad arkayseen Odayaashii, Mutacalinkii,waxgaradkii oo dadkooda nabada kala hadlaya oo ilaashanaya, haddana ilaa hadda Boorama inta shacbi joogta Ciidankaa ka badan. Booramana Ciidan uma baahna ee Cadaalad-bay u baahan-tahay.”
 
 
 
 
Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray “Waxaan jeclahay inaan Mushtamaca u iftiimiyo tabashada reer Awdal halkay ku salaysan tahay, haddaan dib ugu noqdo tabashadaas intii Somaliland jirtayba Reer Awdal wax wey tabanayeen oo mar walba Bani’aadamka waxbaa ka dhiman. Hase ahaatee markii ay sii badatay ee Dadku iyagoo Wefti ah Xukumadda u imanayeen ee ay lahaayeen kolba waxan baan qabnaa waxay ahayd intii Xukumaddani Kulmiye talada qabatay.Cabashadii u horaysay waxaa Madaxweynaha loo gudbiyay 2011-kii bishii 4-aad, waxaa u gudbiyay Xildhibaanada laba Gole ee Awdal ka soo jeeda,lagamana jawaabin. Tabashaduna maaha wax malo awaal ah ee waa tabasho si cilmiyeysan loo qoray oo Madaxweynaha loo gudbiyay. 2012-ka Bishii November ayaanu haddana mar kale tabashadii saxaafadda u marinay Madaxweynaha, isla Bishaa Madaxweynuhu Boorama ayuu yimid oo Odayaasha oo uu la kulmay ayaa yidhi Tabashadaas baanu qabnaa.”
 
 
 
 
 
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa uu sheegay inuu cambaaraynayo Xadhiga Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Boorama, waxaanu yidhi “Waxaan aad u cambaaraynayaa Xadhiga Xildhibaanadii Golaha degaanka ee Boorama lagula kacay. Xasaanad bay leeyihiin oo waa Xildhibaano dad doortay, haddii la ilaaliyo Xisaanadda Xildhibaanka degaanka, Sharafta iyo Karaamada Madaxweynuhuna way ilaashamaysaa.xadhigaasi waa Qayrul sharci, Waa qayrul Dastuuri oo dastuurkaa la jabiyay Marka Xildhibaanadaas la xidhay , markaa waxaan doonayaa in si degdeg ah loo sii daayo wixii sharci daradaas fuliyayna lala xisaabtamo”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.