Boorama (Berbera news) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta safar ugu kictimay Magaaladda Boorama oo ay ka taagan-tahay Xiisadd uu abuuray Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo dhawaan ku dhawaaqay erayo ka dhan ah qaranimadda Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay in Safarkiisani uu la xidhiidho sidii uu uga qayb-qaadan lahaa arrinta Suldaanka oo maalmihii u dambeeyay laga hadlayay, isaga oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa inaanu u nimid hawl qaran oo Wasiiro 6 ah oo iga soo horeeyay iyo Maamulka Gobolkuba mudo wadeen, ayaan doonaynaa inaynu ka wada tashano,madaxda Dawladda, Dhaqanka, Ganacsatada iyo Waxgaradka kaleba inaga oo u wada socona u jeedo qudha oo ah inuu Dalku dal Nabad ah oo Barwaaqo ah noqdo oo wada dhisano oo aanu waxba inoo tarayn Khilaaf iyo Cunfi iyo in la isqabsado, taas uun baynu u wada soconaa, haddii wax inaga khaldameena waynu toosinaynaa INSHA ALLAH.” Ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.
Safarkan Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku soo beegmaya, iyadda oo todobaad ka hor uu Gobolka Awdal uu Suldaan Abubakar Wabar kaga dhawaaqa erayo ka dhan ah qaranimadda Somaliland.
Berbera news/Boorama.