Baarlamaanka Midowga Yurub oo lagaga hadlay Aqoonsi Somaliland hesho-Daawo

Berberanews-Baarlamaanka Midawga Yurub oo si adag uga dooday aqoonsi la siiyo dawladda Falastiiniin, ayaa soo hadal-qaaday, isla markaana qaar ka tirsan Mudanayaasha Baaarlamaanku ku doodeen in ka hor Falastiin la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland, oo ay sheegeen inay tahay dal dawlad dhammaystiran oo buuxisay inta badan Shuruudihii dawladnimo ka dhisan tahay, isla markaana nabadgelyo ah.

Xildhibaannadaas ka tirsan Baarlamaanka Midawga Yurub ee kulan shalay Baarlamaanku ku yeeshay dalka Faransiiska kakga dooday in Somaliland la aqoonsado iyo sida ay dooddoodu u dhacdayba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Wacan:-