Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Somalia Oo Kulan Ku Yeeshay Dalka Jabuuti + SAWIRRO

Jabuuti (Berbera news) Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan qado ah isugu keenay labadda Madaxweyne ee dowladda Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo Somaliland. Axmed Maxamed Siilaanyo.
 

Labada wafti ee ay kala hoggaaminayeen labada Madaxweyne iyo sidoo kale madaxweynaha Jabuuti ayaa kulanka qadada ah wada-qaatay, iyadoo intaas kaddib bilaabay kulammo gaar ah oo aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn.

Madaxweyne Geelle ayaa kulan gaar ah u qabtay labadda madaxweyne, isla markaana u furay, isagoo furitaanka kaddibna isaga soo baxay kulanka ay Xasan Sheekh iyo Siilaanyo si ay hawlahoodda ugu madax-banaanadaan.

Haseyeeshee, kulamadan ayay warararku sheegayaan in saxaafaddu ay ka ahayd dibad-joog, iyadoo loo diiday inay galaan qolka uu shiku ka socday, iyadoo labada madaxweyne ay si fool-ka-fool ah u wada-hadlayeen.

Illaa hadda ma jirto cid la hadashay warbaahinta, balse waxaa la filayaa inay kulammada kaddib soo saaraan war-murtiyeed ay ku faah-faahinayan waxyaabihii ay kulammadooda uga wada-hadleen.

 
 
Berbera news/Hargeysa.