Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Jabuuto + SAWIRRO

Jabuuti (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Dalka jamhuuryadda Jabuuti, halkaas oo ay kulami-doonaan Madaxweynaha Dawladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo wada hadli-doona wadda-hadaladii hore ugu socday Somaliland iyo Somaliya.
 
 
 
 

 
Wasiirka arrimaha didbada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa Warbaahinta kula hadlay ayaa in kulankan ay yeelanayaan labada Madaxweyne .
 

 
Dhinaca kale Kulankan ay yeesheen labadda Madaxweyne ayaa ahaa mid Qaddo sharafa ay, kaas oo ka qabsoomay Hotel Kempinski, waxaana Labada wefti ee ay kala hogaaminayey labada Madaxweyne oo ay wehelinayeen Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan qado ah wada yeeshay, kadib na waxay bilaabeen kulamo gaar ah oo aanay saxaafaddu goob joog ka ahayn.
https://i0.wp.com/somalilandtoday.com/slt/wp-content/uploads/2014/12/unnamed-114.jpg?w=696
 
Si kastab ha  ahaatee Wada-hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya ayaa dhawr jeer dib u dhacay, waxaana laga dhur sugayaa kulankan ay yeelanayaan labada Madaxweyne.
https://i0.wp.com/somalilandtoday.com/slt/wp-content/uploads/2014/12/unnamed-211.jpg?w=696
 
Berbera news/Hargeysa.