“Waligeedba Musharixiinta Waa La Kala Reebi-jiray, Samaalena Markii Go’aanku Soo Baxay Wax Hadal Ah Kamaynaan Maqlin” Suldaan Xasan

Hargeysa (Berbera news) Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Shirkii Boorama lagu kala saaray Musharixiin badan oo han leh, waxaanu tilmaamay in Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa Musharixiinta Beeshoodda ee u tartanku ka dhexeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi aanu ka hadlin Go’aankii ay Guddida HOODAALE ku kala reebeen Musharixiinta Beesha Sacad Muuse.
 
 
 
 
 
Suldaan Xasan oo maanta ka hadlay Munaasibad lagu taageerayay Go’aankii lagu kala reebay Musharixiinta Beshaasi, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Ka soo bilaw Shirkii Boorama waligeed-ba waa la kala reebi-jiray Musharixiin Madaxtinimadda u tartamaya, maaha tanai tii koowaad waxaynu xusaynaa Shirar badan oo ay Beeluhu qabsadeen oo Qarankan Somaliland ka dhacay. Shir walba waxa ka soo baxa Guddi, Guddidaasi waxa la yidhaahddaa Guddida horumarinta Carabka laguma balaadhiyo Siyaasadda Guddi horumarineed-baa loogu wan-qalaa.”
 
 
 
 
 
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxa uu intaas ku daray “Beesha Sacad Muuse waxay noqonaysaa Beelihii samaystay Guddida noocan oo kale ah, waxaynu ILAAHAY maanta ugu xamdi-naqaynaa Tawfiiqddii aynu raadinaynay weynu haynaa ee ALLE ha inoo fududeeyo . Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Sammaale afartaa maalmood ee Go’aanku soo baxay kamaynaan maqlin wax hadal ah , waxaan filayaa inuu u bislaaday Siyaasadda xogogaalna u yahay in marka Xigtadaadu ku qabato, wuxuu u soo joogay Siyaasiyiin badan oo bari ilaa galbeed ah oo marka Xigtadooddu qabtaan u hogaansamay oo adeecay.” ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.