Xoghayaha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Ee Xisbiga WADDANI Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay + SAWIRRO

Hargeysa (Berbera news) Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbiga WADDANI Marwo Rooda Cabdi Muuse ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Hargeysa.

Soo dhaweynta Xoghayaha Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xisbiga WADDANI ayaa waxa ka qayb galay Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ee Xisbigaasi Mustafe Maxamuud Qodax, Xoghayaha Qorshaynta Ee Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Riyo-raac, Xogyaha Xanaanada Xoolaha Xassan Goodaad iyo Taageereyaal Kale.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Xoghayha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Mustafe Qodax Waxana Uu Yidhi .”Saaka Waxaa Noo Farxad Ah Hadii Aanu Nahay Masuulyiint

Iyo Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani In Aanu Saaka Ku Soo Dhaweenay Madaarka Caasimada Hargaysa Rooda Cabdi Muuse Oo Ah Xoghayha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Ee Xisbiga Wadani Oo Safar Shaqo Muddo Ugu Maqneed Wadamada Dibad Waxan Ku Leenahay Rooda Ku Soo Dhawoow Dalkaagii.
 

Waxaa Kale Oo Aanu U Mahad Naqanaynaa Tageeraysha Dumarka U Badan Ee Aad Ka U Jecel Rooda Soona Dhaweeyey Xoghayha” Ayuu Ku Soo Koobay Hadalkisii Mustafe Qodax. “
 

Sidoo Kale Waxaa Isna Dhinaciisa Ka Hadlay Oo Madasha Hadlo Soo Dhaween Ah Ka YIdhi Xoghayha Qorsheenta Ee Xisbiga Wadani Cabdirashiid Riyo Raac Waxana Uu Sheegay In Uu Maanta Magaalada Hargaysa Ku Soo Dhaweenayo Rooda Cabdi Muuse Isla Markaana Uu Leeyahay Dalkaagii Ku Soo Dhawoow “
 
“Saaka Sidaa Hore Loo Sheegay Waxanu Soo Dhaweeneynaa Xoghayha Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Ee Xisbiga Wadani Waxana Ku Leenahay Xoghaye Ku Soo Dhawoow Dalkaagii Iyo Dadkaagii.
 
Waxaanu Se Kuu Sheegaynaa In Wax Badan Is Bedeelen Intii Aad Maqneed Saaka Waxaanu Jecel Nahay In Aanu Warbaahinta Iyo Dadkaba Aanu Tusno Baarkinkii Uu Lahaa Madaarku In Loo Diiday In Qof Qudhi Gaadhigiisa Uu Soo Galo Sababta Oo Ah Madaxweynaha Ayaa Dhoofaya Waxaanad Ogtahay Xoghaye Waxa Ka Dhacaya Awdal Iyo Barigaba Aad Iyo Aadana Arimaahas Waanu Uga Xunahay Xisbi Mucaarid Ahaan ” Ayuu Yidhi Cabdirashiid Xassan Mataan Xoghayha Qorsheenta Ee Xisbiga Wadani ”

 
Ugu Danbeetii Waxaa Madasha Ka Hadashay Hadlo U Bdan Mahad Naqana Madasha Ka Tidhi Mawro Rooda Cabdi Muuse Xoghayaha DhalinyaradaIyo ciyaaraha Ee Xisbiga Wadani Waxana AY Tidhi “Marka Koowaad Waxaan Salamayaa Masuulyiinta Xisbiga Mar Labaad Waxaan Salamayaa Asxaabtayada Iyo Tageerayaasheyda Quruxda Badan Ee Maanta Ugu Soo Dhaweeyey Magaalada Hargaysa Waxaan Idiin Leeyahay Waad Mahad Santahiin.
 
 
Waxaan Jecelahay In Aan Ka Hadlo In Kasta Oo Aanan Qurbo Joog Aheyn Lakiin Marka Uu Qofku Dalka Dibada Uga Yara Baxo Waxaa Uu Diirada Saraa Oo Mar Waliba Uu Diirada Ku Hayaa Dalkiisa Heer Gobol Ilaa Heer Degamo Waxaa Ka Socda Iyo Siday Wax U Socdaan .
 

 Sidaas Awgeed Waxaan Arkayaa Oo Aan Qirayaa Xukuumadii Somaliland Iyo Shacbigeedii In Ay Laba Wado Kala Qaaden Waliba Ay Is Deydeyayaan Xukuumadu Waxaa Ay Qaaday Wado Shacabiga Rer Somaliland Waxaa Ay Qadeen Wado Sababta Labada Wado Loo Kala Qaadayna Waxaa Iska Leh Golaha Wasiirada Ee Xidhiidhina Lahaa Bulshda Iyo Xukuumada Ayaa Waxaa Ay Noqdeen Qaar Aan Xidhiidhin Karin Bulashada Rer Somaliland Iyo Xukuumadii Ay Matali Laayeen .

Sidaas Awgeed Gidaaro Cidla Ah Iyo Wasaarado Cidlo Ah Ayaa In Ay Nuuradayso Oo Qandaraaska Yaa La Siinyaa Ayaa Ay Golahii Wasiiradu Ku Mashquul San Yahiin Shacabigii Rer Somaliland Wado Kale Oo Aanay Garaneen Meel Ay Socdaan Ayaa Ay Qadeen . Ayaa Ay Tidhi Marwo Rooda Cabdi Muuse ”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.