Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia oo war-murtiyeed ka soo saaray shir ay Djibouti ku yeesheen

Jamhuuriyadaha Somaliland iyo Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo iyaga iyo weftiyo ay hoggaaminayaan tan iyo shalay ku wada shirayeen magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasoo ay gebo-gabadiisii maanta ka soo saareen War-murtiyeed ay labada Madaxweyne wada-saxeexdeen.

Wadahadalladan shalay gelinkii dambe ee shalay illaa maanta oo uu shirku si rasmi ah u furmay u socday labada Madaxweyne ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waxa Marti-geliyey Madaxeynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo casuumad rasmi ah u soo fudiyey labada Madaxweyne iyo Weftiyada ay kala hoggaaminayeen oo shalay gaadhay magaalada Jabuuti oo ay Masuuliyiinnta dawladda Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyeen.

Qodobbada War-murtiyeedkan ka soo baxay Shirka ay wada yeesheeen Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa labada dhinac u kala saxeexay labada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Prof: Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaana lagu sheegay qodobbada War-murtiyeedkaas in la dardar-geliyo wadahadallada u socday Somaliland iyo Soomaaliya, in bisha koowaad ee sannadka 2015-ka badhtameheeda wadahadalka dib looga  bilaabo Turkiga, in dalalka Jaarka ama Saaxiibka labada dal laga qaybgeliyo wadahadallada haddii loo baahdo.

Haddaba, War-Murtiyeedkaas ka soo baxay Shirka ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Wararka ee Aftahannews.com, waxay u qornaayeen qodobbada uu War-Murtiiyeedku xambaarsanaa sidatan:-

“1.       In la dardar-geliyo wadahadallada labada dhinac, isla markaana wakhti lagu jaangooyo.

  1. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha Siyaasadda ee Masiiriga ah lagu dhiirrado, lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo ah in laga dhawrsanaado waxyaabaha wadahadalka carqaladayn kara.
  2. Inaan la Siyaasadaynin Deeqaha Bina-aadaminnimo iyo Mashaariicda dib-u-dhiska welibana la dhiirri-geliyo.
  3. In la fuliyo Heshiiskii Hawada dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray (In labada dhinac wada-jir u maamulaan Hawada).
  4. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la isla garto inay wadahadallada ka qayb-geli karaan Khubaro farsamo iyo Waddamada Saaxiibka ahi marka loo baahdo.
  5. In Ergada labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaalia Madasha tan xigta ay ku kulmaan dalka Turkiga 15-16-ka January sannadka 2015-ka.”