Madaxweyne Siilaanyo Iyo Waftigii Uu Hoggaaminayay Oo Dalka Ku Soo Laabtay + SAWIRO

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib wada-hadalado ay Dalka Jabuuti kula yeesheen Dawlada Somaliya.

 
Madaxweynaha ayaa Lagu soo dhaweeyay Madaarkaa Haargeysa “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay aniga iyo weftigaygu inaanu dalka ku soo nabad noqono” ayuu yidhi Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay Madaarka.

Madaxweynaha oo ka hadlaya wada hadalka uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia waxa uu yidhi “Waxaanu ku maqnayn Jabuuti oo aanu ka helay marti qaad aanu kula kulmaynay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekd Maxamuud iyo weftigiisa, anagoo ka wada hadlaynay danaha labada dal iyo wixii inaga dhexeeyay iyo wixii aynu isku khilaafsanayn, inagoo og inay yihiin dal aynu walaalo nahay oo aynu madax banaanideena kala noqonay oo haddana ay dunidu ay wada hadal inoo furtay oo aanu ka dhaadhicinaynaynay Qaddiyadda iyo madaxbanaanida Somaliland”

 
 
Berbera news/Hargeysa.