Hargeysa (Berbera) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay heshiiskii ay Jabuuti ku gaadheen Madaxweynaha Soomaliya iyo Madaxweynaha Dawladda Somaliland ayaa sheegay in qaar ka mid ah qodobbada heshiiskaas ay ka qabaan walaac aad xoog leh.
Madaxweyne Gaas oo hore u soo dhaweeyay heshiiska iyo wadahadallada dhex-maray labada dhinac ayaa muujiyay wer-wer ay ka qabaan qodobka heshiiska dhinaca hawada iyo arrinta ku saabsan masiirka.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay inay iyagu markii hore qayb ka ahaayeen heshiiska maamulka hawada, balse ay layaab ku noqotay in Somalia iyo Somaliland ay keligood isku koobeen arrinta ku saabsan Maamulka hawada
“Qodobka ku saabsan wadaagga maamulka hawada Soomaaliya, Puntland haddaan nahay dacwad ayaan ka qabnaa, barnaamijkan hawada markiisii horeba aniga ayaa billaabay xilligii aan ahaa wasiirka qorshaynta dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya sannadkii 2011-kii. heshiis saddex geesood ah ayuunu ahaa, kaas oo ay kuwada jireen Puntland, dowladda federaalka iyo Somaliland, balse waxaad mooddaa in hadda ay Somalia iyo Somaliland oo keliya isku koobayaan,” ayuu yidhi Gaas.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Arrintan wer-wer weyn ayaanu ka qabnaa, waana fikir qaldan oo aan shaqaynayn, haddii magaalada Hargeysa loo wareejiyana waxaan imaanaysa xilligii ay Puntland ka baxday heshiiskan in la sheego. Muqdisho waa caasimadii Soomaaliya halkaas haloo wareejiyo ama Garoowe hala keeno ayaan ku talinaynaa.”
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in marka laga hadlayo masiirka arrimaha Somalia aanay ku koobnaan dowladda Somalia iyo sidoo kale Dawladda Somaliland, balse loo baahan yahay in Puntland-na ay qayb ka noqoto.
“Masiirka marka laga hadlayo ma jirto cid gaar ah oo Soomaaliya iska leh, Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo keligoodna kama hadli karaan, waayo masiirka dalka waa mid Soomaalida oo dhan khuseeya mana ogolaanayno in cid gaar ah ay arrintaas siday doonto iska yeesho. Puntland xuduudaheedu waxay gaadhayaan Sool, Sanaag iyo Ceyn, marka waxaa loo baahan yahay in Soomaali oo dhan laga talo-geliyo arrinta masiirka,” ayuu yidhi Cabdiwali Gaas.