“Turkigu Qaddiyadda Somaliland Iyo Somalia U Dhexaysa Xogogaal Uma Aha, Waxaanu Dhegaystaa Garta Dhinac Qudha” Muuse Biixi

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Xbsi ahaan soo dhaweynayaan wadda-hadaladii ay Todobaadkan dalka Jabuuti ku yeesheen Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Somaliya, isaga oo xusay in Madaxweynaha Jamhuuryadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu xogogaal u yahay wada-hadaladan.
 
 
 
 
 
 
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu ka hadlay Go’aankii ay Guddiga Hoodaale ugu doorteen Musharaxa Madaxtinimadda Xisbiga KULMIYE, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Inta aan Ogahay Turkigu Qaddiyadda Somaliland iyo Somalia u dhexaysa Turkigu Xogogaal uma aha, waxaanan ku Ogaaday, Shir Turkiga lagu qabtay oo aan goob joog ka ahaa, oo aniga Cirro,Faysal Cali Waraabe iyo Siilaanyo aanu wada joognay, Ra’isal wasaarihii wakhtigaas ee Turkiga(Erdogan) oo hadda Madaxweyne ahi, wuxuu ahaa Nin dhinac qudha(Somalia) sheekadooda haya oo garta dhinac qudha uun dhegaysta oo aan war u hayn waxa la isku hayo” ayuu yidhi Muuse Biixi.
 
 
 
 
 
Gudoomiyaha Kulmiye oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Maalintaas Madaxweyne Siilaanyo si adag ula gar naqsaday islamarkaana uu Erdogan waxbadan dareemay “Markaa arintan cidda qudha ee ugu xogogaal sani waa cida ugu dhaw oo Jabuuti kaw ka tahay, oo IGAD ku xigto ayuun baa arintaas qaadi karta, waxa kale oo labo ah oo arintaas qaadi kara Dawladdaha Yurub ama Gumaysigii ha ahateen ama waddamada kale ee Caalamka Xogogaalka u ahiba way uga xogogaalsan yihiin Turkiga” ayuu yidhi Muuse Biixi.
 
 
 
 
 
Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu rajo la’aan ka muujiyay in Turkiga dib loogu celiyo wada hadalada labada dal “Anigu waxaan qabaa haddii Turkiga lagu noqdo inaanay arintaasi qabyo baxayn oo aan la dhamayn karayn, haddaan la iskugu tagin oo aan Yurub iyo IGAD ba ka qayb galin, markaa waxaan qabaa in halkaa imika la keenay ee Jabuuti ay ahayd meesha ugu haboon, ismaaciil CUmar Geele na waxaan ku dhiiri galinayaa inaanu gacmaha kala bixin”
 
 
 
 
 
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale markii u horaysay ka hadlay Go’aanka Beesha Sacad Muuse ku kala reebtay saddexda Musharax Muuse Biixi,Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis oo Kulmiye u sharaxnaa bacda Siilaanyo, waxaanu sheegay inuu taageersan yahay inay Odayaasha heer degaan kala saaraan Musharaxiinta Kulmiye.
 
 
 
 
 
Go’aanka ka soo baxay dhawaan Guddida horumarinta Hoodaale ee Beesha Sacad Muuse iyo Salaadiintooda oo lagu sheegay in Muuse Biixi reer ahaan Musharax uga yahay Kulmiye, waxaa ka biyo diiday Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale oo ku dooday in arintaasi u taalo Golaha dhexe ee KULMIYE, waxaanu yidhi “Waxay ila tahay in siyaasadda Somaliland ku dhisan tahay gunta oo arimaha laga soo bilaabo, aniga ilama aha in korka wax laga dhiso.sidaas darteed waxay ila tahay markay tahay wax siyaasi ah waxaa wanaagsan in loo soo dhiso degmo-degmo, gobol gobol, dabadeedna heer qaran.markaa anigu waxaan u arkaa inay sax tahay in Degaan ama degmo oo kale soo bilowdo kala xulidda”
 
 
 
 
 
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu tilmaamay inay Odayaasha Dhaqanka ee hawshan galay ku saxsan yihiin kala reebista islamarkaana ay tahay in la aqbalo go’aannkooda “Odayaashan oo aan aad u ixtiraamayo,Anigu waxaan ahaa raggii u tagay ee ay waraysteen e waliba yidhi wixii aad goysaan waan ogolahay, haddii ay go’aankan gaadheena waan uga mahadnaqayaa ooo waan ku raacsanahay, haddii ay go’aan kale oo iga soo horjeeda gaadhi lahaayeena sidaasi ayuun baan hore u dhiibay kalsoonidii, waayo? Bani’aadamku wixii uu Qaaddi u dhiibo waa inuu aqbalaa” ayuu yidhi Muuse Biixi.
 
 
 
 
 
Muuse Biixi waxa uu u soo jeediyay Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale inay aqbalaan Go’aanka Beeshooda “Shir kasta iyo arrin kasta oo la galo cid ayaa diidda oo ka cadhoota,markaa dhibaato ah uma arko, waxaan u arkaa dad fikirkooda cabiray, laakiin, go’aanka marka shir kasta la galo ee inta badani meel marto sida caadada inoo ah gar diid waa Alle diid ayaa la yidhaahdaa, dadka badani halkay mareen ayaa la maraa. Umad dhan oo deegaanka intaas leeg ah oo waxgaradkeedii iyo Odayaasheedii waxay ila tahay Ninkii ka cawda in sidii la arki jiray Majooratiga la ixtiraamo, raggani waa rag qiimo badan oo waxay doonayaan u qalma, waxase aan qabaa in la ixtiraamo majooratiga” ayuu yidhi Muuse Biixi
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.