“Suldaan Subeer Ah Ayaad Tahay, Jamaal Cali Xuseen Miyaanu Musharax Habar-Awal Ah Ahayn” Ismaaciil-yare

Hargeysa (Berbera news) Wasiirkii hore ee Arrimaha guddaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) ayaa Suldaanka guud Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ku eedeeyay in uu ku khaldanaa qaabka uu u dhex-galay loolanka u dhexeeya Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis.
 
 
 
 
Ismaaciil-yare oo maanta ka hadlay Munaasibad lagaga soo hor-jeeday Go’aankii ay Guddida HOODAALE ku taageereen Muuse Biixi oo lagu qabtay Magaaladda Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay in Suldaan Xasan uu ka baxay dhex-dhexaadnimaddii Madaxdhaqameednimo ee uu u hayay Beesha Habar-awal.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Suldaanka Subeer awal ayaad tahay lagaagama fadhiyin inaad adigu tidhaahdid waxaan kala saaray Sacad Muuse miyaanu Jamaal Cali Xuseen Habarawal ahayn Suldaanka Habarawal ayaad ahayde miyaanu Jamaal Cali Xuseen Habarawal ahayn oo aanu xisbiga UCID Murrashax ka ahayn xageed kaga tagtay miyaanay ahayn beel dhan oo aad daadifaysay.”
 
 
 
 
 
Ismaaciil-yare waxa uu intaas ku daray “Waar balankii iyo cahdigii xagee ayuu ka dhacay, wixii la isku ogaa haddii ay afar nin bedasho ka warama? Shirkii HOODAALE Ragii tagay ayaan ka mid ahaa waxa la yidhi waxaynu dooranaynaa Guddi aan siyaasad shaqo ku lahayn oo horumarinta ka shaqaysa. Shirkaasi markii hore siyaasiyiinta ayaa faraha kula jiray oo uu u qabsoomi waayay markii la yidhi siyaasadii ayaa laga saaray ayuu qabsoomay,”ayuu yidhi Ismaaciil Yare.
 
 
 
 
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa ku dooday in aan loo baahnayn in salaadiintu ay taageero ka bixiyaan cidla, waxaanu yidhi “Hadii maalinba qolo siyaasiyiin ah oo murrashaxiin doonaysa uu midina weerar u noqdo midina difaac u noqdo, oo maalin walba warbaahinta la iskaga soo jawaabo oo salaadiin hibo iyo sharaf innaga mudan oo aan waxba hubsan ay taageero cidla ka bixiyaan reer ceeb ayay ku tahay. Ragga murrashixiinta ah waxaan ILAAHAY ka baryayaa ka ugu khayr badan ee dalkiisa ee cadaalad ku dhaqi doona shacbiga Somaliland ee idinkana beel ahaan magaciina wanaag u soo jiidaya ILAAHAY ha innooga dooro.”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.