“Waxaan Xooga-saari- Doonaa La Dagaalanka Musuq-maasuqa, Iyo Adkaynta Amniga” Cumar Cabdirashiid

Muqdisho (Berbera news) Raysal-wasaaraha ay maanta ansixiyeen Xildhibaanadda Baarlamaanka Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheega inuu xooga saarayo arrimo ay ugu muhiimsan-yihiin dhamaystirka hisgisa iyo adkaynta Amaanka Somaliya.
 
 
 
Khudbad uu Mr Sharmaarke ka jeediyay kulankii Baarlamaanka ee Kalsoonida lagu siiyay ayaa sheegay in arrimaha kale ee uu ka shaqayn doono ay tahay sidii amniga loo adkayn lahaa, isla markaana loola dagaalami lahaa Musuq-maasuqa iyo cadaalad-darrada.
 
 
 
 
“Waxyaabaha ugu horreeya ee aan mudnaanta siin doonno waxaa ka mid ah xasilloonida siyaasadda, dhameystirka dib u heshiisiinta, fulinta hiigsiga ee 2016-ka, adkeynta amniga, horumarinta cadaaladda, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda, maamul-wanaagga maaliyadda la dagaalanka musuqmaasuqa, kordhinta adeegga bulshada, dar-dargelinta dowlad-wanaagga iyo dib u dhisidda iyo dib u habeynta hay’adaha dowladda,” ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid.
 
 
 
 
Sidoo kale Raysal-wasaaruhu ayaa sheegay inuu sida ugu dhakhsiyaha badan ku soo dhisi doono Xukuumaddiisa, waxaanu Xildhibaannada hortooda ka sheegay inuu kala tashan doono dhismaha Xukuumaddiisa Madaxweynaha Somalia, Guddoonka Baarlamaanka, xildhibaannada iyo Shacabka.
 
 
 
 
“Hawlaha ay qaban doonto Xukuumadda aan soo dhisayo ka sokow, anigoo kaashanaya Madaxweynaha iyo bulshada Soomaaliyeed, waxaan dar-dar-gelinayaa helitaanka siyaasad xasilloon iyo is-faham guud oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, heer maamul-goboleed iyo mid federalba, si loo helo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku daray Mr. Sharmaarke.
 
 
 
 
Si kastaba ha ahaatee Raysal-wasaaraha cusub ee Somalia oo maanta ay Xlidhibannada Baarlamaanku cod aqlabiyad ah u meel-mariyeen ayaa laga sugayaa inuu muddo kooban gudaheed ku soo dhiso xukuumad la wareegta xilka.
 
 
Berbera news/Hargeysa.