“Anagu Gar-mayno Haakah Wax La Yidhaahdo, Madaxweyne Abuhu Inamadiisa Wuu Edbiyaa” Xildhibaan Xoog

Hargeysa (Gudgude) Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa soo jeediyay in la kala reebo Siyaasiyiinta ku loolamaya Musharaxnimadda Xisbiga taladda haya ee KULMIYE.
 
 
 
 
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo maanta Xarunta Baarlamaanka kula hadlay Warbaahinta, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Madaxweynaha waxaan eeyahay Aabuhu wuu Edbiyaa Innamadiisa, Adigoo yidhi Musharax baan ahay oo la tartamaya Xisbigan aan ka mid ahay, dee Edbi Wasiiraddaadan kaa ag leh Musharax baanu nahay, waxay ayaan daro ku tahay Asluubta Dawlad-nimadee” ayuu yidhi Xildhibaanku isagoo intaasi raaciyay “Madaxweynaha afkiisa waxaanu ka haynaa laba goor anigaa Musharax ah 5-ta sanno ee dambe, dee hadduu Madaxweynuhu tanaasulay dee dadka si cad ha ugu sheego oo dadka yaanu isku jabinin”.
 
 
 
Xildhibaan Xoog waxa uu intaas ku daray “Anagu waxaanu la tartamaynaa Madaxweynaha,anagu Af-garan mayno Haakah wax la yidhaa.waxaanu leenahay Madaxweyne Innamada aad Wasiirada ka dhigatay jooji ilayn adigaa nala tartamayee”
 
 
 
 
 
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo hadaladkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Lacagtaas Waxaan u arkaa tacaddi laga galay Umadda Somaliland iyo Fadeexad weyn.markaad eegto Dakhliga(Miisaaniyadda) waa wada Cashuur, Cashuurtii haddana in la daadaadiyo oo Odayada Jeebabka Lacago looga buuxiyo oo Afar kun oo Qof la casuumo, arrinkaasi Dawladnimada kuma habboona, gef baanu ku yahay Umaddan fakhriga ah ee la daalaa dhacaysa Sixir Bararka. Waxaanu leenahay Madaxweyne waad Arkaysaa, Wasiiradda isku mushahar baanu nahaye, dee Anagu ma casuumi karo 5 Qof,markaa lacagtan ay ku casuumeen dhawrka kun ee Qof xaggay ka keeneen? . Waxaan leeyahay Saddexda Musharax ha isku dilina meel aan waxba Oollin, oo dadka aad Shaashadaha soo tubaysaan ka daaya waa idinku ceebe, ha isku dilina Gubadkaan gubi doono Biciidka daaqi doona”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.