“Badhasaabka Saaxil Waxa Uu Ku Biiray Maamuladda, Fariinta Wax Loogu Sheego Ee Aan Sharciga Fahmin” Xildhibaan Qabile

Hargeysa (Berbera news ) Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar aanu awood u lahayn inuu hor-yimaado Guddida daba-galka iyo ilaalinta hantidda qaranka ee Golaha Wakiiladda.
 
 
 
 
 
Xildhibaan Qabile oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Guddida daba-galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee Golaha Wakiiladdu ay awood u leeyihiin inay baadhitaano ku sameeyaan hay’add kasta oo Xukuumadda ka tirsan.
 
 
 
 
Waxaana hadaladii Xildhibaanka ka mid ahaa “Fahmi waa Nin aanu Saaxiib ahaan jiray, waa Nin Golaha wakiilada ka mid ahaan jiray oo garanaya Waajibaadka iyo Xil gudashada Golaha, laakiin, wuxuu ku biiray Maamulada Farriinta wax loogu sheego ee aan Sharciga waxba ku fahmin” ayuu yidhi XIldhibaan Qabile.
 
 
 
Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan Badhasaabka u sheegayaa, anigoo Maxamed Faarax Qabile ah oo Gobolka Saaxil la iga soo doortay,kana mid ah Guddida ilaalinta hantida qaranka cid aanu uga dhawrsanaynaa ma jirto, Guddiduna adigay ku baadhaysaa oo mid kaa hooseeya ayay baadhaysaa oo Hay’ad kasta oo Dakhli ayay baadhaysaa,markaa Askartaada sii diyaarso oo bal inay Calanka Gaadhiga noo sudhan iyo Xilka aanu sidno celiso waa inoo Berbera” ayuu yidhi Xildhibaanku.
 
 
 
 
Warbixin ay dhawaan Guddida daba-galka iyo ilaalinta hantidda qaranka ee Golaha Wakiilada ayaa Warbixin ay dhawaan siiyeen Golaha Wakiiladda waxay ku soo bandhigeen Musuq-maasuq iyo maamul-xumo ku habsatay qaar ka mid ah hay’addaha Dawladda , kuwaas oo ay ka mid yihiin Hanti-dhawrka guude iyo Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.