Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Xeerka Xabsiyadda Iyo Awoodihii Wasaaradda Cadaaladda Oo Laga Saaray

Hargeysa (Berbera news) Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta Meel Mariyey Xeerka Xasbiyada Dalka oo Maalmahanba Horyaallay, isla-markaana ay Wax-ka-beddel ballaadhan kusoo sameeyeen Golaha Guurtida Dalku.
 
 
 
Xeerkan, ayaa Markii labaad kusoo Noqday Aqalka Wakiillada, kadib markii uu kasoo Noqday Guurtida oo beddeshay Qoddobo badan oo ay hore Wakiilladu ugu dareen, qaarkoodna ka reebtay.
 
 
Xeerkan ayaa waxa uu ka yimi markii hore Wasiirka Caddaaladda, kaas oo kusoo daray Qoddobo Awoodo dheeraad ah Siinaya, balse waxa awoodahaas Badankooda rifay Golaha Guurtida oo Xeerkan kusoo celiyey Wakiillada.
 
 
 
Xeerkan, ayaan maanta wax Hadal ah keenin, waxana Codkii loo qaaday si fudud ku dhaafay Golaha, iyadoo aanu la kulmin wax mucaaradad ah, waxana ka mid ahaa Qoddobada Golaha Guurtidu wax-ka-beddelka ku sameeyeen kuwan soo socda:
 
 
 
Sidii Hore Ee Golaha Wakiiladu Ku Ansixiyeen .
 
 
 
Wasiirka Cadaalada Ayaa Magacaabaya Gudiyada Iyo Kormeerayaasha Sii Deenta Shuruudeysan .
 
 
Waxaa Loo Bedelay
 
 
Taliyaha Ciidanka Ayaa Magacaabaya Gudiyada Iyo Kormeerayaasha Sii Deenta Shuruudeysan .
 
 
 
 
. Sidii Hore Ee Golaha Wakiiladu Ku Ansixiyeen . iYadoo Oo aan Laga Hor Imaneyn Nuxurka Qodobka 144 Ee Xeerka Ciqabta Guud Cafiska Iyo Samaxaada Waxaa Si faah Faahsan Loogu Nidaamin Doona Xeer nidaamiyaha Xeerkan
2.Waxaa Loo Bedelay Cafiska Iyo Samaxaada Waaa Iska Leh Madaxweynaha Somaliland
3.Sidii Hore Ee Golaha Wakiiladu Ku Ansixiyeen .
Hadii Qof Maxbuus Ah Oo Bilaa Ehel AHi Ku Dhinto Jeelka Waxaa Aasaya Ciidanka Xabsiga .
4.Waxaa Loo Bedelay
 
 
 
 
Hadii Qof Maxbuus Ah Oo Bilaa Ehel AHi Ku Dhinto Jeelka Waxaa Aasaya Ciidanka Xabsiga Ka Dib Markay Helan Warqada Xeer Ilaaliyaha Guud.
 
 
Fadhiga Ay Mudanaayshu Ku Meel Mariyeen Xeerkan Ayaa Waxaa Ka Soo Xaadiray 47 Mudane .
 
 
Waxaa Ogalaaday Xeerkan 42 Mudane Waxana Diiday 1 Mudane Halka 4 Mudane Ka Aamuseen Gudoomiyuhuna Muu Codeyn Sidaasna Waxaa Ku Meel Maray Xeerka Xabsiyada Somaliland.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.