Diyaarad Sidday 162 Qof Una Kala Duulaysay Indonesia iyo Singapore Oo Hawada Lagu Waayay

 

 362fc81692f9a1a8902c362866078d4b_L

 
Surabaya(Berberanews):-Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee AirAsia oo siday 162 Qof ayaa la waayay markii ay wax yar hawada ku jirtay, Diyaaradda ayaa ka soo duushay Magaalada Surabaya ee Dalka Indonesia, waxayna ku sii jeeday Madaarka Diyaaraddaha ee Changi ee dalka Singapore.
 
Hawlagalo lagu baadi goobayo Diyaaradda ayaa ka socda meelo badan oo ka mid ah Asia iyo fadhiisimada Diyaaradda ah ee ka ag-dhaw Khadka ay Diyaaraddani ku safraysay. Diyaaradda luntay ayaa nooceedu ahaa Airbus A320-200, waxaanu duulimaadkeedu ahaa QZ8501
 
Dayuuradda shirkadda Air Asia waxaa la filayay inay ku degto dalka Singapore saacaddu markay ahayd 8:30 subaxnimo wakhtiga Maxaliga ah, hase yeeshee waxay u muuqataa in markii ay hawada ku jirtay abbaaraha muddo 42 daqiiqo ah ay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd maamulayaasha gaadiidka hawada kala haga ee magaalada Jakarta.
 
Diyaaradda waxaa saarnaa 155 rakaab ah, laba duuliye iyo shan qof oo shaqaalaha dayuuradda ah. Air Asia waxay sheegtay in duuliyuhu uu weydiistay inuu khadka caadiga ah ka leexdo hawada oo xumayd awgeed.
 
Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaadiidka ee dalka Indonesia, waxaa uu sheegay in loo maleynayo in dayuuraddu ay maraysay meel u dhexaysa jasiiradda Belitung ee ka baxsan xeebta Sumatra iyo Kalimantan, markii ay lumisay xiriirka xagga dhulka ee ay la sameynaysay maamulayaasha dayuuradaha kala haga.
 
Berbera news
Hargeisa Ofice