Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Xeerka Komishanka Dib U Habaynta Shuruucdda Oo Guurtiddu Soo Celisay

Hargeysa (Berbera news) Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta Ansixiyay Xeerka Aasaasida Komishanka Dib-u- Habaynta Shuruucda Xeer Lr.66/2014, oo kasoo noqday Golaha Guurtida, isla markaana ay Guurtidu Wax ka badal kusoo sameeyeen. Fadhiga oo uu gudoominayay Gudoomiye xigeenka wakiilada Baashe Maxamed Faarax waxaa loogu codeeyay Qodob qodob xeerka Guurtidu wax ka soo bedeshay ee horena wakiilada looga ansixiyay.
 
 
 
 
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Mudane C/risaaq Siciid Ayaanle ayaa qodob qodob u akhriyay dhamaan isbadaladii ay Guurtidu ku sameeyeen iyo sida uu markii hore ahaaba, iyadoo isla markaana qodod qodob loogu codeeyay, waxaana inta badan Xildhibaanadu ay u codaynayeen sidii uu Golaha Wakiiladu ku ansixiyay Xeerka.
 
 
 
 
Gababagadii waxaa si duuduub ah loogu codeeyay Xeerka,Waxaana ogolaaday in xeerka la ansixiyo 41 mudane, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay in la ansixiyo 6 mudane, iyadoo Guddoomiyuhuna aanu codayn sida caadiga ah. Tirada guud ee mudanayaasha Golaha fadhiyayna waxay ahaayeen 48 mudane.
 
 
 
 
Sidoo kale barito waxa uu Guddoomiyuhu iclaamiyay in Goluhu u codayn doono Xeerka Booliska oo kasoo noqday Madaxtooyada.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.