“Madaxweynuhu Safar Dawli Ah Nooguma Iman Ee Inantiisa Oo, Todoba Baxaysa Ayaa Loo Xafladaynayay” Rooda Axmed Yaasiin

Berbera (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin ayaa Safarkii maalmihii u dambeeyay Madaxweyne Siilaanyo ku joogay Berbera dhaliishay, waxaanay tilmaantay in aanu wax macno ah ku fadhiyin.
 
 
 
 
Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo Warbaahinta kula hadashay Magaaladda Berbera, waxa hadladeedii ka mid ahaa “Waxaa baryahan jiray Safaro aan macno lahayn oo aan waxba ka soo baxayn oo ah kuwo Madhalays ah oo Madaxweynuhu ku imanayay Gobolkan Saaxil. Safarradaasi waxay kolkii hore ahaayeen kuwo dadku si aada isku weydiiyo oo dadku yidhaa muxuu Madaxweynuhu soo kordhiyay ama Gobolka keenay, Muxuu Siyaasaddii hore ee Gobolka ka bedelay?Waxbana lagama hayn markii hore” ayay tidhi Marwo Rooda.
 
 
 
 
Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo hadalkeeda sii wadata, waxay intaas ku dartay,
“Safarkan hadda ugu dambeeyay wuxuu ahaa mid iskugu jira todoba bax Inantiisa ah oo Inantiisa oo todoba baxaysa loogu xafladdaynayay laakiin, muu ahayn safar macne dawli ah u socday oo safar Xukumaddeed noomuu iman.”
 
 
 
 
 
Gudoomiyaha UICD ee Gobolka Saaxil , waxay intaas ku dartay “Gobolkii dhanaa ee Saaxil ee lafdhabarta dalka ahaa waxay noqotay meel ama Jasiirad loo dalxiis yimaado oo loo Laydhsi yimado oo Badda la galo, taas oo aan waliba Kharash ku joogine iyada Kharash laga doonayo.markaa waxay noqotay meel loona soo dalxiis tago oo lagu xafladdaysto Dhaqaalena laga qaato”
 
 
 
 
Dhinaca kale Waxay Rooda Axmed Yaasiin ay eedo u jeedisay Maayarka Berbera, waxaanu tidhi “Maayarkii wuxuu noqday mid aan Xafiiskiisii laga helayn oo ah Xoghayn Badhasaabka ah oo waad ka aragteen Tv-yada waa ka dhinac fadhiya uun, dadkii degaanka ee Cabdishakuur soo doortay ma arkayaan,Shaqooyinkii Bulshada loo qabanayay lama hayo, waxaynu arkaynay Baarlamaanka oo Miisaaniyadda wasaaradaha ka hadlay ayuu difaacayay oo aan shaqadiisii ahayn” ayaa ka mid ahaa hadalka Marwo Rooda.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.