Sarkaal Al-shabaab ah oo Ceel-waaq lagu qabtay

Maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Ceel Waaq ayaa BBC-da u sheegay in ay qabteen ninka oo lagu magacaabo Sakariya Ismaaciil Axmed Xirsi, xilli uu ku dhuumanayay guri ku yaalla degmadaasi.140524105611_al_shabaab_somalia_512x288_bbc_nocredit

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in Sakariya uu u sheegay in uu kasoo baxsaday Al-shabaab.

Sanadkii 2012-ka, dowladda Mareykanka ayaa Sakariya dul dhigtay lacag dhan 3 milyan oo dollar.

Sakariye ayaa la sheegay in uu horray madax ugu noqday laanta mukhaabaraadka Alshabaab ee loo yaqaano Amniyaadka, balse xilkaasi laga qaaday kaddib markii ay is khilaafeen hoggaamiyihiin Shabaab, Axmed Cabdi Godane oo bishii September ku dhintay duqeyn uu Mareykanka geystay.

BBC