“Shacabka Somaliland Diyaar Uma Aha Inay Mar Dambe, Talladda Ku Celiyaan KULMIYE”Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa (Gudgude) Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii ay taladda haysay ay ku talaabsadday qorshe ay ku boobayso Hantidda Ummadda.
 
 
 
Jamaal Cali Xuseen oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Shacabku ay soo arkeen Hoggaaminta Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa, waxaanu Bulshadda uga digay in aanay mar kale dooran.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Xukuumadda KULMIYE Guryihii ay Dadku wadda lahaayeen Boob iyo Xaraash ayay kula kacday, laakiin waxaanu u sheegaynaa waa la iskaga daba iman-doonaa waxana noqon maayaan wax si fudud ay u dhacaan oo ay Jeebka ugu shubtaan. Muddadii ay Xukuumaddani Dalka xukumaysay Musuq-maasuqu waxa uu noqday heerkii ugu sareeyay, Dalkana waxa ka jira Xisaab la’aan iyo Boob cad, Lacag dhan oo sidii ay iyagu (Xukuumadda) uga caban-jireen ayaa la geeyaa Madaxtooyadda markaa waxyaabo badan oo loo baahan-yahay in la kala shaandheeyo ayaa jira Shacabka Somaliland wuu og-yahay.”
 
 
 
 
 
Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID waxa uu intaas ku daray “Ninka Siilaanyo Musharaxnimo ka daba sugayaa waa Nin runtii lala yaabo, laakiin Ninka is leh Dawladan KULMIYE ayaa guulasan-doonta. Shacabka Somaliland diyaar uma aha inay mar dambe talladda ku celiyaan Xisbiga KULMIYE. “
 
 
 
 
Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Shacabka Somaliland waa inay ka feejignaadaan Nin Kursi kale ku fadhiya oo haddana Kursi kale ku doonaya oo Shacabka leh Demiirkiinii iyo Masiirkiina meel kale ha geynin Shacabkana yaan la mashquulinin wax-qabadkii mee, balan-qaadkii KULMIYE iyo Buugii cagaarnaa mee, wax badan-baa jira oo in Ummadda loo sheego u baahan.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
 
 
 
 
Gudgude news/Hargeysa.