“Sida Aan Maqlay Cali Khaliif Galaydh Waxa Uu Doonayaa, Inuu Ka Qayb-galo Wada-hadalada Somaliland Iyo Somalia”Wasiir Caddami

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo ka jawaabayay hadal dhawaan Cali Khaliif Galaydh ka sheegay Muqdisho oo ahaa inuu doonayo inuu ka qayb galo wada hadalka Somaliland iyo Somalia, ayaa sheegay inaanu wada hadalka ka qayb gali karin isagoo diidan gooni isku taaga Somaliland.
 
 
 
 
 
Wasiir Caddami oo Waraysi siiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu Cali Khaliif iyo Siyaasiyiinta la fikirka ah ee Somalilandka soo jeeda ku sifeeyay kuwo dantooda seegay.
 
 
 
 
“Waxaa jira siyaaiyiin iyo muwaadiniin ka soo jeeda somaliland oo iyagu fikir khaldan qaatay, gudcurna gudaya oo ku sugan Xamar iyo Somalia, kuwaas oo dantoodii,dalkoodii iyo dadkoodiiba inkiray,meel aan dan u ahayna ka door biday.waxaan kuwaas odhan lahaa dantiinii waad seegteeno meel cidlo ah ayaad joogtaan oo waxaad ka cararteen dalkiina oo amaan ah” ayuu yidhi Wasiir Caddami
 
 
 
 
 
Wasiir Caddami ayaa ka hadlay mawqifkiisa ku aadan hadalka Cali Khaliif“Sida aan maqlay Cali Khaliif Galaydh waxa uu doonayaa inuu ka qayb galo wada hadalada Somaliland iyo Somalia,marka hore isagu waa ayo? Wajigee ayuu kaga qayb galayaa? Runtii isagu waa Nin u dhashay,kana soo jeeda Somaliland,balse hadda diidan gooni isku taaga,markaa isaga oo Somaliland ka soo jeeda, jiritaankeedana diidan sidee uga qayb gali karaa wada hadalada?”
 
 
 
 
 
Wasiiir Caddami waxa uu farriin nabad galyo u diray Bulshada Somaliland “Somaliland waa dal nabad ah, oo Dadkiisu isku tashaday, waxaanse Bulshada Somaliland ugu baaqayaa inay isku xidhnaadaan oo cidii nabada iyo ammaanka dalka wax yeealaysa ama khal-khal ku abuuraysa meel uga soo wada jeestaan” ayuu yidhi Wasiir Caddami.
 
 
 
 
Hadalka Wasiir Caddami ayaa ka dambeeyay hadal maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhay oo Cali Khaliif ku sheegay inuu Xasan Sheekh kala xaajoonayo sidii loogu dari lahaa Ergada Wada hadalka Somaliland iyo Somalia, isagoo sheegay in wada hadalku sii gaara u taabanayo una khuseeyo.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.