Madaxweyne Siilaanyo oo Dhambaal tacsi ah u diray Xoghayihii hore ee SOLJA

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland, Ururka suxufiyiinta ee Solja iyo  Wargeyskii uu ka tirsanaa ee  Saxafi.

Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid u dirayaa Qoyskii, Ehelkii,  Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Nairobi-Kenya 29/12/2014, loona geeyey xaalad caafimaad  ka dib dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur.

 tacsi

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha dhaqaajinta iyo hirgelinta  saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland, muddo dheerna waxa uu ka mid ahaa hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee Solja.

Waxaan Illaahay uga baryayaa  inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Ubadkii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.