Xoghayihii Ururka Solja oo Aas Qaran loo sammeeyay

Hargeysa(Berberanews)-Alle ha u Naxariistee Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa maanta si heer qaran ah loogu Aasay Xabaalaha Xeedho ee Duleedka Waqooyi ee Hargeysa.
Bahda Saxaafadda,Qaar ka mid ah Wasiirada Xukumadda, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Xildhibaano,Maayarka Hargeysa iyo Kumanaan qof oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qayb galay Aaska Marxuumka.
Maxamed-rashiid ayaa ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala Nairobi oo lagu daweynayay ka dib markii Gaadhi kula dhacay Duleedka Berbera.aas
Dadka Aqoonta dheer u lahaa Maxamed-rashiid ayaa ku tilmaamay Shakhsi Mabda leh kaalin laxaad lehna ka soo qaatay Xorriyiadda Saxaafadda, isagoo haatana ku god galay isagoo ku hawlan Xorriyadda Saxaafadda.
Madaxda iyo Bulshada kala duwan ee Aaska ka qayb galay ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu Jannadii Fardawsa ka waraabiyo ehelka,Asxaabta iyo Bahda Warbaahintana Samir iyo Iimaan ka siiyo.