Hargeysa-(Berberanews)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa waxa uu Gabay Baroordiiqa u tiriyey Geerida ku timi Xoghayihii Ururka SuxufiyiintaSomaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo maanta si heer qarana loogu aasay Magaalada Hargeysa, kadib markii uu shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Caafimaad ahaan loogu qaaday.
Gabay Baroordiiqda ee uu Tiriyay Abwaan Weedhsame ayaa waxa uu ku bilaabay sidan:
warkan xaada kiciyee xiskiyo maanka xadanteeyey
warkan xagar sidiisii u muday xuubka dhegahayga
warkan dhiillo xiintiyo naxdimo xoogle igu beeray
wuu xijaabtay weeyaan rashiid xay la noqon waaye.
Ku xasuuso inu xoojin jiray kay ka xagal daacdo
Ku xasuuso inu xeerin jiray xaalka gobi leeday
Ku xasuuso inu xeeban jiray goorta la is xaaqo
Ku xasuuso ruuxii xil gaba suu u xuganaayey
Dad ururiye lagu xoomi jiray meesha xaruntiisa
Ku xasuuso xayraan wax biday xeedho lagu deeqo.
waloow ay xaq geeridu tahoo xaasha anan diidin
Nin ku xiga, walaal laab xalnaa, xaaduq lagu dhaato
geerida xabaashaa wadnaha way ku xagataaye
qalbiyohow xaqii baa yimee qaado xukun eebe.
Home Fanka iyo Sugaanta Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo maanso baroor-diiq ah u sammeeyay Marxuum...