Booliska Hargeysa oo xidh xidhay Gabdho dabaaldegga sannadka cusub isu qaawiyay

Hargaysa(Berberanews).Ciidamada booliska ayaa abaaro sideedii caawa waxay suuqa magaalada hargaysa ka qabteen ku dhawaad 10 hablo ah oo ku labisan dhar muujiyay cawradooda kuwaas oo xidhay saraawiil iyo shaadh ku dhejisan iyaga oo xusaayay sanadka cusub ee 2015.
hablahan oo dadoodu gaadhaysay ilaa 15 jir ayaa laga qabtay badhtamaha suuqa hargaysa iyada oo ay ciidamadu u kaxeeyeen dhanka saldhiga dhexe.

new-year-2015
bilawga sanadka milaadiga oo ah sanadka dadka aamisan diinmaha kufaarta iyada oo shareecada islaamku ay ka soo horjeedo xuskiisa ,balse dhalinyarada somalida ayaa iyagu inta badan habeenkan xusay iyada oo culimaduna ay ka digto dhaqan xumada dhaca habeenadaasi.