“Dawladan meel walba doonaysa inay sidii duqsigii dalaq tidhaahdo ayaa dalladii soo faro galisay” Faadumo

Hargeysa-(Berberanews)-Marwo Faadumo Siciid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in SONYO oo Lix shirwayne oo hore soo qabsatay isla markaana aan isku khilaafin maanta khilaafkoodii gaadho in ay laba hoggaan yeelato.

Marwo Faadumo Siciid waxay arrinkaasi dhakada usaartay Xukuumadda talada dalka haysa, iyadoo arimahaasi ka hadlaysa waxay tidhi “Runtii waxa weeye arrin aad iyo aad u murugo badan, waxa weeyaan arrin dhalinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogto aan ka tacsiyadaynayo, may ahayn wax aan maanta neesha ka filaynay iyagoo intaas oo doorasho oo xor iyo xallaal ah soo qabsaday inay maanta ku danbayso SONYO kala jab iyo waji gabax iyo laba gudoomiye oo la kala doorto, aad iyo aad ayaan runtii uga murugooday, aan uga naxay runtii”.FAADUMO-SICIID-IBRAHIM-TNN

“Dhalinyartu markii ay midoobeen ee ay ku midoobeen Dalladda SONYO laguma midoobin qabyaalad, laguma midoobin xumaan, waxa lagu midoobay inay dhalinyarada waxtarkooda muujiyaan, inay iyagu is xukumi karayaan, inay iyagu doorashooyin xallaal ah qabsan karayaan, inay shaqaysan karayaan ayaa dalladdan loo sameeyey, Laakiin dalladdii maanta waa la soo faro galiyey, dawladan meel walba doonaysa inay sidii duqsigii dalaq tidhaahdo ayaa dalladii soo faro galisay” ayay tidhi Faadumo Siciid.

“Marka aad dhallinyaradii soo kala dhexgashid ee xumaan ka dhex abuurtid, ee qabyaalad ka dhex abuurtid kala jabku wuu imanayaa, annagu doorashooyinkii hore ee aanu qaban jirnay dhallinyarada waan isku soo dhawayn jirnay, kii wax tabanaya dibada ayaan kula shiri jirnay, tabashadooda ayaan dhagaysan jirnay, tabshadoodu haday wax sal leh tahay dee waan u xallin jirnay, haddaanay sal lahayna runtaan u sheegi jirnay oo waxan odhan jirnay tani maaha wax kaa maraysa ee waxa weeyaan shirkiinii ku soo noqda, boqol jeerbaa shir aan guddoominayno lagu kala kacay, haddana markiiba aanu soo celin jiray, maallina lama kala tagin, habeena laguma kala socon calool xumo, mar mar waxan ku gaadhi jirnay 12ka habeenimo oo aan odhan jirnay ilaa aan khilaafkaas horta baabi’ino nina calool xumo kuma seexanayo caawa” ayey tidhi Faadumo Siciid.

Berberanews.com

info@berberanews.com