Berberanews-Dhacdooyinkan soo socdaa waa qaar ku salaysan wadnaha bani’aadamka, gaar ahaan xagga caafimaadka, waana qaar u baahan in si fiican loo ogaado, wax badana laga barto, sababtoo ah wax kasta oo bani’aadamka ku xeeran waxay sameeyaan macne gaar ah, waxaana wanaagsan in qofku u fiirsado, isagoo ka heli doono mucjisooyin rabaani ah oo xikmad nolosha ku saabsan. Tobankan arrimood ee soo socda si fiican ugu fiirso waxay si gaar ah u taabanayaan wadnaha bani’aadamka.
- December 19, 1943 waxa dhashay nin la odhan jiray Walliam Devries oo ahaa dhakhatar Maraykan ah oo qalliinka ku takhasusay, kaasoo fuliyey qalliinkii ugu horreeyey ee uu qof ugu rakibaayey wadne mala’awaal ah (Artificial heart) markuu sannadku ahaa 1982kii.
- December 19, 1989kii waxay ku beegnayd maalintii haweenay la odhan jiray Mary Lund ay noqotay gabadhii ugu horraysay ee lagu rakibo wadne mala-awaal ah (Artificial Heart).
- Tamarta uu wadnahaagu sii daayo maalin kasta waxay ku filnaan lahayd in gaadhi lagu kaxeeyo masaafo dhan 20 mayl.
- Unugyada kaliya ee jidhka ee aan dhiig helin waa qaar wadnaha ka yimaada oo ti toos ah u tega indhaha.
- Dhiigga uu wadnuhu sannad kasta riixo amma ka shaqeeyo waxay buuxin lahayd barkada dabaasha ee ciyaaraha Olympic lagu ciyaaro.
- Wadnaha bani’aadamku inta uu yahay uur-ku-jirta (Embryo) waxa uu bilaabaa garaaca marka uu afar toddobaad jiro.
- Sababka bidix waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood, halka ka bidix uu aad uga yar yahay.
- Qofka marka uu muusiga dhegaysanaayo wadnahiisu xawaaraha garaaca mar wuu kordhiya, marna hoos buu u dhigaa.
- Masaaridii hore waxay aaminsanaayeen in wadnuhu yahay unuga xukuma xikmada, xasuusta iyo shakhsiyada qofka.