Ilmo-yar oo Gaajo ugu Dhintay Gaadhi Dhexdii Waqti Waalidkii Hudheel Cunto ka Cunayeen

Ilmo yar oo magaciisa la yidhaa Betsey, ayaa gaadhi gaajo ugu  dhex dhintay, kadib markii hooyadii iyo aabbihii kaga dhex tegeen si ay cuntu u doontaan, intii ay hudheelka wax ka cunaayeena ilmahan yar ayaa macaluushaash u geeriyooday, iyadoo aan muddo waxba la siin.

Waalidka ilmahan yar oo gabadh ah, jirayna 22 maalmood oo kaliya, ayaa maxkamaddu ku xukuntay in ay gaysteen dilka derejada koowaad sida bilaysku sheegeen Salaasadii toddobaadkan, kadib markii ay dayaacada ay sameeyeen sababtay geerida ilmahooda.ilmo

Ruby Stephens oo 23 jir ah iyo Roy Stephens oo 48 jir ah, una dhashay dalka Hindiya oo booqasho ugu tegay qoyskooda oo degen badhtamaha Florida ee dalka Maraykanka December 23, ayaa garaacay ciidammada bilayska ee gargaarka degdega ah, kadib markii ay ogaadeen ilmaha oo gaadhiga ku jira, nuuxsan la’na.



Ilmahan yar ayaa cusbitaalku sheegay inuu hore u geeriyoday, kadib markii uu macaluul aad u darran qabatay.

“Maalintii ay noolayd waxa ay dareentay gaajo xad-dhaaf ah oo u keentay in ay aad u xannuunsato, Markii aan arkay sawirka inanta yar, aad buu iiga naxiyey, sababtoo ah 30 sanno oo aan shaqaynaayey arrinkan wax la mid ah imuu soo marin,” ayuu yidhi Mike Like oo ah ku-xigeenka booliska degaanka Lakeland ee dalka Maraykanka.

Haweenayda ilmahan dhashay ayaa sheegtay in ilmahan yar ay gaadhiga kaga dhex tageen, siina huwisay go’ si aanay dhaxan badan oo jirtay u dareemin, kadibna ay cunto doonteen si ay qaraabadooda ula soo cunteeyaan.

Waxaanay hooyada ilmaha yar ku soo noqtay 6:00 fiidnimo sida wararku sheegayaa markii ay ciidanka u yeedhay xabsiga la dhigay iyada  iyo saygeediiba.

Dhakhatarka baadhitaanka ku sameeyey wuxuu sheegay in ilmaha yar lagu dilay gaadho amma la dayacay, kadibna uu macaluulay sida lagu daabacay warbixinta waalidka lagu xidhay.

Boolisku waxay sheegeen in dhacadan aanay ahayn mid inta badan soo noqnoqata, balse tani tahay tii ugu darnayd.