Cali Guray oo naqdiyay Khudbaddii Madaxweyne Silaanyo

Hargeysa(Berberanews)-Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa ka dareen celiyay Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo ee Jimcihii oo uu qayb ka mid ah kaga hadlay Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha ku hambalyaynayo sida uu ula hadlay Saddexda Nin ee ku tartamayay Musharaxnimada Kulmiye bacda Siilaanyo.
“Madaxweynaha Aad baan ugu mahadnaqayaa,wuxuu dejiyay xaalad si fool xun u kacsanayd oo waliba rag siyaasiyiin ahi wad-wadeen, taas oo keentay in Kumanaan qof iyo Kharash Ciidda ka badan lagu bixiyo tartan Musharaxnimo oo aan jirin” ayuu yidhi Cali Guray.cali guray
Mujaahid Cali Guray oo ka sii hadlaya arrintan ayaa intaasi raaciyay “Madaxweynuhu markan iyo marar horeba wuu caddeeyay inuu yahay Musharaxa Kulmiye.Doorashadan ta ka dambeysa inay u tartamaan Nimankanina Khalad bay ahayd, inay doorashadan Madaxweynaha la tartamaan uun bay ahayd laakiin Saddexdooduba way caddeeyeen inaanay la tartamayn ee ay Madaxweynaha u daayeen”
Mudane Cali Guray waxa uu sheegay in Jaah-wareerkii Bulshada lagu riday uu hadalka Madaxweynuhu soo Afjaray “Markaa wixii Dadka lagu jaah-wareerinayay way iska soo afjarantay,madaxweynahana waan ku hambalyaynayaa xaaladdaas uu dejiyay oo dabcan anaga Saamayn nagu yeelanaysay.
Waxaan leeyahay Nimankaas Kala saaristooda waxaa ka fiicnayd wada Saaristooda,Markaa Madaxweynuhu hadduu wada saaray wuu Mahadsan yahay, waanan ku hambalyaynayaa” ayuu yidhi Cali Guray.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Shalay Muuse Biixi,Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiir Cabdicasiis Samaale ugu baaqay inaanay ku xiiqin meel cidla ah islamarkaana isku qabsan Musharaxnimo aan jirin, isagoo tilmaamay inuu doorkan sharaxan yahay dabadiina Xisbiga lagu dhex tartami doono.
– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Nimankaas-Kala-Saaristooda-Waxaa-Ka-Fiicnayd-Wada-SaaristoodaMarkaa-Madaxweynuhu-Hadduu-Wada-Saaray-Wuu-Mahadsan-Yahay-Cali-Guray-Oo-Ka-Dareen-Celiyay-Hadalkii-Madaxweynaha.html#sthash.Y66jFR9X.dpuf