Ciidammada Talyaaniga oo badbaadiyay muhaajiriin markab ganacsi ku tahriibay

Bbc-(Berberanews)-Markab ay ka carareen shaqaalihii la socday oo ay saaran yihiin 450 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku xidhay dekadda Talyaaniga ee Corigliano Calabro, sidaasi waxaa sheegay ilaalada xeebaha.

Kooxaha badbaadada ayaa howshan bilaabay kaddib markii qof markabka oo nooc ganacsi ah saarnaa uu diray qeylo-dhaan xilligaas oo ay ku sugnaayeen meel ka yara durugsan xeebaha Taliyaaniga.mmmmmm

Markabka oo uu ku xidhan yahay calanka dalka Sierra Leone, ayaa dabka uu ka tagay xilli habeennimo ah oo uu marayay gudaha badda.

Francesco Perrotti waa taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Corigliano Calabro, ee koofurta Taliyaaniga. Waxa uu sheegay in dhacdooyiinkii ugu dambeeyay ay muujinayaan in dad wax tahriibiyaa inay billaabeen isticmaalka farsamooyiin cusub oo ay ku safriyaan dadka ka soo cararaya goobaha dagaallada iyo dhibaatooyiinka ay ka jiraan.

David Osler, oo ah tafatiraha wargeys wax ka qora arrimaha maraakiibta iyo warshadaha ayaa BBC-da u sheegay inaysan suuragal ahayn in la joojiyo tahriibiyayaasha. Waxa uuna tilmaamay in shuruuckastoo la sameeyo ay jebindoonaan dadka arrimahan ka shaqeeya.

Qiyaastii 796 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay Markab kale oo la helay asigoo ay ka carareen shaqaalihii la socday horraantii isbuucaan.

Afhayeen u hadlay hay’adda caalamiga ah ee dadka soogalootiga ah ee IOM ayaa sheegay in dadka tahriibinta ka shaqeeya ay billaabeen isticmaalka marin cusub oo isku xiraya Turkiga iyo Yurub.

Waxa uu intaas ku daray in muhaajiriinta laga qaato lacago badan, loogana tago bartamaha badda.