Muuse Biixi oo hambalyeeyay heshiis ay gaadheen dawladda Djibouti iyo mucaaridku

Ujeeddo; Hambalyo Gudoomiye

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geele, Madaxda Mucaaridka Jabuuti, iyo dhamaan shacabka reer Jabuuti, isagoo ku hambalyaynaya Heshiiska ay gaadheen maxawaynaha Jabuuti iyo mucaaradka wadankaasi.Muuse-Biixi

Gudoomiyuhu wuxuu heshiiskaa u arkaa mid wax-tar u leh midnimada iyo horumarka reer Jabuuti iyo guud ahaan mandaqada Geeska Afrika.

Gabagabadii wuxuu Salaan iyo Hambalyo udirayaa Madaxwaynaha Jabuuti iyo shacabkiisa Curashada sanadka cusub ee miiladiga, isagoo u rajaynaya in sanadkan kiisa ku gaadhan Nabad iyo Horumar.

.

HAMBALYO  HAMBALYO  HAMBALYO

ALLAH                 MAHAD             LEH

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Md. Muuse Biixi Cabdi