Suldaan Wabar waa Qaran-dumis- Madaxweyne Silaanyo daawo


HARGEYSA – (Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Suldaanka Buuraha Awdal galay ee Suldaan Wabar ku tilmaamay mid qaran dumis ah islamarkaana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.
Warka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland Jimcaha Maanta oo Warbaahinta ku soo gaadhay Muuqaal iyo Codba ayuu Madaxweynaha Somaliland markii u horaysay kaga hadlay mawqifkiisa ku aadan Suldaan lagu magacaabo Wabar, isagoo Suldankaasi iyo qayrkiiba ku tilmaamay Qaran Dumis.
“Dhawaanahan waxaa soo baxayay Suldaan ku baaqayay Qalalaase, Colaad iyo Qorigoo la qaato oo Qarankan la dumiyo.
Waxaan leeyahay Somaliland waa Qaran tashaday Qof kali ahina ma dumin karo, Qaar hore iskugu dayayna way ku fashilmeen, Shacabka Somaliland way ka tashadeen qof Qorshe gurracan iyo Wado qaloocan ku baaqaya” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu wax lalayaabo ku sifeeyay Dhawaaqa Suldaanka
“Waa layaab Suldaan Qori qaata, Suldaan Samotalis baa la Ogaa, Nabad baa lagu Ogaa.
Dalka Somaliland waa dal nabdoon oo Dimuqraadi ah, dadkiisuna waxay ku heshiiyeen inay Codkooda isbedelka ku sameeyaan, Qorina lagama Ogola cid aan ahayn Ciidamada Amaanka”
Madaxweynuhu wuxuu ka digay cidkasta oo aan Ciidanka Qaranka ahayn oo qori qaadata
“Cidkasta oo ka talawda Xuduuda Qaranimada Ciidamadu waxay ku amran yihiin inay gacan buuxda ka qaataan, waxayna leeyihiin Awood dhamaystiran iyo sharciyad ku filan”
Madaxweynuhu wuxuu ku dooday inay kala gaar yihiin tabashada iyo qaran dumisnimadu
“Waa wax kala gaar ah tabashada iyo Qaran dumisnimadu, Kii wax tabanaya ee sidii Odayaashii dhaqanka ee halkan iigu yimid waan soo dhawaynaynaa, waanu u garaabaynaa, wixii ay leedahayna waanu marinaynaa laakiin Qofka Qoriga qaata sida Suldaan Wabar ee qaran dumiska ah waxaanu ka qaadaynaa talaabo sharciga waafaqsan”
Musharax-nimada Xisbiga Kulmiye
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale Musharaxiinta ku loolamaysa Kursiga uu ku fadhiyo uga digay inay ku dul loolamaan Kursiga uu ku fadhiyo sidoo kalena uu mustaqbalka u sharaxan yahay
“Xisbiga Kulmiye waxaa muuqatay in Ismaan-dhaaf iyo Hirdan uu ka dhex jiray qaar ka mid ah kaadiriinta Xisbiga oo warbaahinta ku soo bandhigayay damacooda siyaasadeed oo ku wajahan kursigan aan ku fadhiyo.waxaan leeyahay Kursigan anigaa ku fadhiya oo Xisbigu ii gartay, Mustaqbalkana waan u sharaxanahay, Saxna maaha inaad iskukay dul-qabsataan.
Wixii iga dambeeya Illaahay ha ina gaadhsiiyo, Xisbiguna waa Xisbi Dimuqraadiya oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa, waxaana ina sugaya Xisbiyo kale oo inala tartamaya, Walaalayaal ayaynaan Cidla ku xiiqin, yaynaan waxaan joogin isku colaadsan, meel dad wada joogo laga waayi maayo qardoofo iyo qalooc laakiin aynu ilaalino wada jirka iyo midnimada Xisbsiga.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa Xiisad ka abuuray Gobolka Awdal Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo ku dooday inuu tabashada Awdal darteed dagaal ula galayo Somaliland islamarkaana galay Buuraha Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia ee Gobolka Awdal.