Xuska Dhalashada Nebigeenna Suuban (NNKHA) oo lagu qabtay Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)-Dunida Muslinka waxaa maanta laga xusay Xuska Maalinta dhalashada Nabigeenii Subnaa,(N N K H), iyadoo caasimada Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay maanta munaasibad lagu weynaynayo xuska dhalashada Nebigeena suuban, Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

Munaasibadan oo si wada jira ay u soo qabanqaabiyeen Jamciyatul Axbaab Iyo Xildhibaan Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mida Xildhibaanada Aqalka golaha Wakiilada Somaliland .

Ugu horayn wax halkaa ka hadlay Cabdiraxmaan Aw FAaarax oo isagu ka socday wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland “Axbaabta Rasuulka ee halkan isugu timi dhamaantiin waxaan idin leeyahay nabad galyo kor kiina ha ahaato salaam ka dib goobaha ama xafladaha caalamka la iskugu imaado ta ugu fadliga badani waa tan.

ILAAHAY ayaa fadligii Rasuulkeena Subaanaa (N N K H ) inooga waramay kuwa ka soo hor jeesta hoog iyo halaag ayay la kulmi donaan kuwa raacaan kitaabka ayay midigta ka qaadan doonaan ayuu sheikh Cabdiraxmaan ku soo gabgabeeyay hadalkisii .

Sidoo kale waxa halkaa hadalo waano iyo wacdi isugu jira ka soo jeediyay Xildhibaan Axmed yaasin Sh Cali Ayaanle “Dhamaanteen Waxan halkan u fadhinaa iyadoo inaga run tahay in aan waynayno Rasulkenii Subanaa (N N N K) hadab waxa weeye in aan marwalba ku celelino hadal haynta Rasuulkenii Subanaa Rasuulkenii waxa u yimi Cali oo waxa uu ku yidhi Rasuul Allow Xaaskayga Caruurtayda iyo Waalidiintayba Marka laga reebo naftayda waan ka jeclahay Markaasu rasuulku ku yidhi, wali iimaankaagu taam maah markii dambe ayuu ku yidhi Naftaydan waan kaa jeclahay Rasuulku markaasu yidhi imikaa iimaankaagu taam yahay markaa waa in ay muxubada rasuulku halkaa inaga gaadhaa inagan .xuska

Dhanka Kale waxa halkaa ka hadlay Siyaasi Aadan Ruush oo ka tirsan Xisbiga Mmucaaridka ah ee WADDANI oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Kolay culimadaa dhamaysay oo anagu waxba kama daba odhanmaynee anaguna waxa aanu leenahay waa in aynu u dhago nuglanaa waynaynbta Xabiibkenii (N N K H) Laakin mid aan siyaasad-sanyin anyaan xukuumada u sheegayaa maanat wax jiro iskuulo ama jaamacado la dhiganayo kuwaan waa in waxa laga qabtaa waayo xeerkeenu waxa uu leeyahay dhamaan dalku waa fasax .

Waxa dhankiisa halkaa hadalo kooban ka soo jeediyay Wasiirka Arimah Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran cade “mudanayaal culimo owdiin jiilak cusub ee halkan fadhiya eek u ababay diinta islaamka dhamaantiin Salaamu alaykum Waa ilaahay mahadii waxa maanat isugu nimi dhalasha waynaynta xabiibkenii Subanaa oo waxa makhraati ah in dhamaanteen muxubo iyo kalgacal u qabno Rasuulkeenii Subanaa waayo inteenaas oo qof ayaa halkaa isugu yimi iyagoo ka go’antay in aan waynayno .

Img Description

Gabagabdii munaasibadaa waxa soo Af-meeray musharax madaxweyne xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen “Runtii waa maalin qiimo leh Siyaasiyiintana hadal badani halkan ugama wanaagsan waa maalintii culimada waxaan aad ugu mahad-naqayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay xafladan .