Dawladda Itoobiya oo ku Hawlan Qorshayaal ay ku kala Xulanayso Isticmaalka Dekedaha Berbera, Sudan iyo Kenya

Addis Ababa (Jam)- Dawladda Itoobiya, ayaa la sheegay inay ku hawlan tahay qorshayaal ay ku kala xulanayso isticmaalka dekedo ku kala yaal dalalka Somaliland, Sudaan iyo Kenya, kuwaasoo ay u qabto baahi weyn si ay uga baxdo ku-tiirsanaantooda dekedaha Jabuuti.

Sida lagu baahiyey wargeyska Sudan Tribune, Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya, ayaa shaacisay in dawladdoodu ilaa 50 kun oo tan oo badeecado ah kala soo degi doonto dekedda Port Sudan oo ku taal dalka Suudaan, iyadoo ay jiraan wadahadalol dhinaca  isticmaalka dekedaha ah oo hore ugu socday dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.dekadaha

Itoobiya, ayaa la sheegay inay hadda 90% badeecadaha kala duwan kala soo degto dekedaha Jabuuti, balse, sida lagu baahiyey saxaafadda Sudan, waxa Itoobiya doonaysaa inay meesha ka saarto ku-tiirsanaanteeda xooggan ee dekedda Jabuuti, taas beddelkeedana ay isticmaali doonto dekedda Port Sudan.



Dawladda Itoobiya, ayaa muddooyinkii u dambeeyey wadahadal kula jirtay Somaliland sidii ay u isticmaali lahayd Dekedda Berbera, balse arrintaasi ilaa hadda si rasmi ah uma hirgelin, iyadoo la doonayo in marka hore maalgashi ballaadhan lagu sameeyey dekedda, lana dhiso jid adag oo magaalada Berbera ku xidha dalka Itoobiya, kaasoo uu maalgelintiisa ku yaboohay Ururka Midowga Yurub.

Waxa kaloo xogaha warbaahinta Suudaan faafiyeen sheegeen in Itoobiya hore u adeegsan lahayd dekedda Port Sudan, haseyeeshee ka horyimimaaddeen caqabad dhinaca jidadka ah, balse hadda ay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha bilaabayso dhismaha jid tareen oo labada dal isku xidhi doona.

Dhinaca kale, Itoobiya ayaa ku hawlan sidii ay u isticmaali lahayd dekedaha dalka Kenya, gaar ahaan dekedda gunta dheer ee Lamu, iyadoo la doonayo in la sameeyo jid adag oo magaalada Addis Ababa uga baxa dhinaca koonfureed, lana gaadhsiin doono ilaa degaanka Mooyaale oo ku yaal xadka u dhexeeya, ujeeddadiisuna tahay fududaynta in Itoobiya wax kala soo degto dekedda Lamu ee waddanka Kenya.

Dawladda Somaliland oo xidhiidh saaxiibtinimo oo dhaw la leh Itoobiya, ayaa muddo dheer rajaynaysay in Dekedda Berbera noqoto xuddunta Itoobiya wax kala soo degto, laakiin lama oga waxyaabaha ilaa hadda hortaagan arrintaas, inkastoo sida wargeyska Sudan Tribune faafiyey ay jiraan cabsi la xidhiidha budhcad-badeedda ka qadhaabsada xeebaha waddanka Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in xeebta Somaliland tahay mid ammaan ah oo aan weli fal budhcad-badeednimo ka dhicin.

 Sources, Jamhuuriya