Fadhiyadii Golaha Wakiillada Oo Kooram La’aan u Furmi La’ Iyo Dhaliilaha Dul-hooganaya Xildhibaanadda

Hargeysa (Berbera news) Waxaa maanta mar kale Kooram la’aan u baaqday Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland, waxana soo xaadiri- waayay Inta Badan Xubnaha Wakiillada oo danahooda gaarka ah ku foogan iskana ilaaway Dantii qaranka iyo Hawlihi ay bulshada u hayeen.

Dhawaan ayey ahayd markii Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax uu sheegay in Golaha ay Horyaallaan Sharciyo iyo Xeerar Xaasaasi oo baahi weyn loo qabo, isla-markaana loo baahan in si degdeg ah looga doodo, balse taas cidi dhex jalaq uma siinin.

Maanta oo Axad ah, ayaa Goluhu u ballansanaa Ansixinta Xeerka Booliska oo ka soo noqday Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana Kaabis iyo waxka bedel lagu sameeyay, waxaana fadhiga soo xaadiray 49 mudane, halka xeerkan ansixintiisu u baahnaa 55 Mudane.

Buuq badan oo mudaneyaasha qaarkood ku doodeen in la raaco xeer hoosaadka Golaha oo dhigaya in Xeerarka ka soo noqda Madaxweynaha lagu ansixiyo fadhi ay ugu yaraan joogaan 55 mudane ayaa la xidhay markii kooramku gaadhi waayay 55 Mudane.



Tan iyo markii Gudoomiye Cirro u ambabaxay dalka Jabuuti todobaadkii hore haatana u sii dhaafay Dubai ayaan Goluhu qaban wax hawl ah, waxana aan Baafin warbaahinta loo mariyey aan kasoo jawaabin 21-mudane oo muddo badan Golaha Cudurdaar la’aan uga Maqnaaday, kuwaas oo soo ajiibi waayey baaq uu dhawaan u jeediyey Guddoomiye Baashe.

 

 

 

 

Mudanayaasha Golaha wakiilada, ayaa kaliya Goobta yimaadda, marka uu jiro Mooshin ama xeer xaasaasi ah oo madaxtooyadu wadato, kaas oo lagu bixinayo lacago iyo naan-nuujin gaar ah, balse marka Goobta lagu hayo arrimaha kale ee Shaqadooda ah waxay doorbidaan inay ku mashquulaan arrimo ka baxsan shaqada bulshadu u igmatay.

 

 

 

 

Berbera news/Hargeysa.